Kala baro Ahlu Jago
waljallaafo iyo Ahlusunno waljamaaca
Tan iyo markii uu billaawday Dagaalkii gacan
ka hadalka ahaa ee u dhexeeyey Khawaarijta Alshabaab iyo Culumada
Ahlusunna waljamaaca , ayaa waxaa mar qura lagu kala hormaray
sidii aay cid waliba u sheegan laheyd , ama u qaadan laheyd
Magaca Ahlusunna waljamaaca si aay ugu fushadaan danahooda
gaar ah ama aay ugu gaaraan Mansab siyaasadeed.
Haddaba waxaa waayahaan dambe soo ifbaxayey
Shaqsiyaad la magac baxay Ahlu jago waljallaafo oo aan iyagu
horay loo maqal amaba aan u nasab sheegan Culumadii soo jireenka
aheyd ee Ahlusunna waljamaaca, haddii aan sida kale u dhigana
aan ka qayb qaadan hiil iyo hooba dagaaladii lagula jiray
Khawaarijta Alshabaab .
Waxaa wax lala yaabo ama lagu yaqyaqsado ah
in iyada oo aan la soo af jarin dagaalkii Waddanka looga xureynaayey
Khawaarijta Alshabaab welina waddankii ku xoog badan yihiin
, la wada qaato Taay iyo Koofi dheer laguna doono kursi iyo
dhaqaale iyada oo la adeegsanayo Magacii sharafta badnaa ee
Ahlusunna waljamaaca .
Waxaan wada ogsoonahay in culumadii dagaalka
kula gashay Khawaarijta Alshabaab Gobollada Dhexe, gedo iyo
Muqdisho , aay weli sidii Dagaalka ugu jiraan iyada oo aaysan
jirin cid aay kaalmo ka helaan oo aan ilaaheey aheyn isla
markaana aan la arag iyaga oo Shariif la soo gamay jago u
hoos fadhiya.
Haddaba waxaan Ahlujago waljallaafo ku war gelineynaa
ugu horeyn in aay ilaah ka baqaan , una towba keenaan isagana
waydiistaan waxa aay doonayaan Adduun iyo Aakhiraba , halka
aay Shariif la soo gamay wax weydiisan lahaayeen , waa haddii
aay dhab tahay culumanimada aay sheeganayaane , isla markaana
aysan ihaaneysan meelna uga dhicin hadafkii Culumadu ku dagaal
galeen ee ahaa in aay Dalka , Dadka iyo Diintaba ka xoreeyaan
Gumeysatada Casriga ah ee Khawaarijta Alshabaab, iyaga oo
ilaaheey ku raali gelinaya oo aan wax mansab ah ku dooneyn.
Waxaa sidoo kale iyana Muhiim ah in ummaddu
sidaas u kala garato oo aaysan isaga milmin Ahlu jago wal
jallaafo iyo Ahlusunna waljamaaca, gaaladuna hadde wax sheegid
uma baahna oo iyaga ayaaba raali ka ah oo wata wax allaale
iyo wixii qaab daran oo dalka , dadka , iyo Diintaba wax u
dhimaaya , isla markaana u dhega nugul.
Sheekh Cabdullaahi Mujaahid(Gaaldile)
Nairobi