Fashilkii
Faroole iyo Foolxumadii Shariif

Hagardaamada Puntland ee ku wajahan qorshaha siyaasadeed ee
Roadmapka ayaa ahaa in wax lagu qeeybsado goboleeysi ayaga
oo qorashahooda yahay in gobol walbaa uu wax ka helo Maandeeq
Raqdeeda,iyada oo la ogyahay in Puntland aay sariftay Goboladii
la dhihi jiray G:Bari iyo G.Nugaal halka G.Galkacayo uu yahay
mid kala qeeybsan,gobolada Sanaag iyo Sool shacuubtii degeneeyd
waxaa aay noqdeen kuwa fahma silsilada siyaasada foosha xun
ee Faroole,Cade Musse iyo C/aahi Yusuf,waxeey goáansadeen
in aay mudan tahay in danaha dhulbahante iyo warsangeli in
aay ku jirto ka mid ahaan shaha Somaliland oo uu cowska iyo
ceelka ka dhaxeeyo xidid iyo xigaalna isku ah,Puntland waxaa
aay qorsheeysay in tuulo walba laga dhigo degmo halka degmooyin
qaar laga dhigay Gobolo waa arin guracan oo la og yahay in
Somalida aay ku tahay sadbuursi iyo cadaalo daro ujdeedada
ugu danbeeysana aay tahay Raqda Maandeeq in aay ka helaan
Gobolo magac u yaal ah oo aay ayaga abuureen,waxaa aay abuureen
8 Gobol oo anan jirin sida hoos ka muuqata.1) G.Nugaal ( Garowe
)-2))G.Sool ( Laascaanood )-3)G.Bari ( Bossaso )-4)G.Karkaar
( Qardho)-5)G.Mudug (Kalgacayo)-6G.Ayan (Buuhoodle)- 7) G.Haylaan
( Dhahar).-8) Sanaag ( Baran) Akhristow intee gobolo dhab
ah ?? bal addna dharandhiri howsha murugada badan ee la rabo
in lagu qaldo Somali.
Waa wax Somalida oo dhani aay ogtahay siyaasada guracan ee
Faroole iyo C/weli oo aay ku fikireen iyada oo la ogyahay
in Somali aayn ogolaankarin gobolo gacan ku rimis ah,xaqiiqdii
haddii loo kaco dastuurka ku meelgaarka ahi Puntland ma noqon
karto dowlad goboleed dhameeystiran sabbabta oo ah maamulka
Puntland ma gaarsiisna laba gobol ,gobolka Nugaal iyo gobolka
Bari ayeey sheegtaan xukunkooda in uu gaagsiisan yahay balse
waa wax kama jiraan sow ma maqal Karkaar state iyo Rascaseer
State.G.Sool iyo Sanaag waxaa aay u dareereen doorashada madaxweeynaha
Somaliland reer Buuhoodle iyo SSC waxaa aay qaateen heshiiskii
Siilaanyo , Faroole xagee yuuse xukumaa ?? sow lama dhihi
karo Garowe ayuu xukumaa,waxaa sharf dhac iyo siyaaso xumi
ah in Shariif uu heshiis uu Garowe kula gaaro Faroole iyada
oo la ogyahay in Faroole uu yahay nin meel-cidla ah joogo.waxaa
iyana foolxuma ah in goáanka ah in Faroole awood loo
siiyo in uu soo xusho xildhibaanka dowlada dhaxe ugu mid noqon
lahaa,halka Shariif uu noqon doono nin kala tashada beelaha
Somali sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanka u matali doona
dowlada dhexe,waxaas oo dhan waxaa sabbab u ah aqoon xumi
iyo waayo aragtimo laáan xoogan oo aay haysato Shariff
.Sh.Axmed iyo inta ku hareersan.
Shirka Garowe ee lagu goáamiyay in baarlamaanka la
yareeyo dibna loo dhameeystiro dastuurka qabyada ah ma mudneeyn
in Faroole lagala tashado sabbabta oo ah waxaa xubin baarlamaan
ah nin Garowe ka yimid ku reer ah Faroole waa Xassan Abshir,haddii
Faroole damac siyaasadeed ka hayo dowlada dhexe waxaa mudneeyd
in uu qaato xubin nimadii Xassan Abshir oo ah ina adeerkiis
halkaasna uu ka bilaabo loolanka uu hada ku jiro,Shariif weli
ma garan in Xassan Abshir iyo Faroole in aay mudneeyd in leeysku
bedelo si damaca Faroole u yaraado.Alow sahal umuuraha.
Degmada Balcad dadka degani waxaa aay ka badan yihiin gobolada
Punland ee la abuuray sida oo kale degmada Walaweeyn dadka
degani waxaa aay ka badan yihiin gobolada Puntland ee la abuuray,Somali
waxaa quman in tiro koob lagu sameeyo dhamaan gobolada,waxana
lagu qeeybsado nin iyo codkiis xildhibaanka waxaa quman in
uu haysto codka shacabka ugu yaraan 50.000 cod ah si uu xildhibaan
qaran u noqdo,gobolo aanan la degeneeyn oo cidlo ah in wax
lagu raadiyaa waa qalad.