Qarax
Ismiidaamin ah oo saakay lal beegsaday Xaruunta Gobolka Hiiraan
ee B/weyne.

War goordhow na soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa
in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Baladweyne
gaar ahaan Xarunta gobolka .
Xarunta oo ay ku sugnaayeen Masuuliyiin
ka tirsan dowladda KMG oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano,
Madax ka mid ah Dooxadda Shabelle iyo ciidamada Ethiopia ayaa
waxaa la sheegay in uu galay gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay
waxyaabo qarxa oo uu watay qof naftii hore ah
Ma cadda qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka
dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ah hase ahaatee qaraxa ayaa
waxaa uu bur buriyay guryo badan oo ku yaalay halka weerarka
uu ka dhacay .
Saraakiil u hadlay Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyada
weerarkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay la beegsadeen ismiidaaminta
Saraakiil iyo ciidamo Ethiopian ah oo ku jiray saf balaaran
loona jeedinayey qudbado kuwaasi oo ay sheegeen in ay gaarsiiyeen
qasaaro dhimasho ayna ka gubeen gaadiid ay lahaayeen.
Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah
ee dowladda KMG oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa waxa
uu sheegay in uu jiro weerarkaasi ismiidaaminta ah hase ahaatee
uusan ka war hayn sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay
in ay dib ka sheegi doonaan sida uu falkaasi u dhacay iyo
qasaaraha ka dhashay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com B/weyne