Dowladda
Kenya oo ka warbixisay qasaaraha kasoo gaaray dagaalo ka dhacay
Jubbadda Hoose.

Dowladda Kenya oo ka warbixisay qasaaraha kasoo gaaray dagaalo
ka dhacay Jubbadda Hoose.
Afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir
ayaa sheegay in 2 ka mid ah ciidamadooda ay ku geeriyoodeen
iska hor imaad ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbadda
kaasi oo dhex maray ciidamadooda iyo dagaalyahanada Xarakadda
Al-Shabab.
Afhayeenku waxaa uu xusay in iska horimaadkaan
oo ka dhacay deeganada Kulbiyow iyo Husungow ee gobolka Jubbadda
hoose ay uga geeriyoodeen dhankooda 2 askari iyo askari kale
oo ka tirsan ciidamada dawlada Soomaalida ee Kenya ka garab
safan hase ahaatee waxaa uu xusay inay dileen illaa iyo 11
dagaalyahan o Shababka ka tirsan sida uu sheegtay.
Emmanuel Chirchir afhayeenka ciidamada Kenya
waxaa uu xusay inay qasaaro xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanada
Shaba boo uu sheegay inay xataa hayaan kuwo dhaawac ah oo
nool nool.
Waxaan idiin sheegayaa in iska hor imaadkii
ugu dambeeyay aanu ku waynay 2 askari oo Kenyan ah iyo mid
Soomaali ah laakiin waxaan dilnay 11 dagaalyahan oo Shabab
ahaa haddana kuwo kale oo nool ayaanu haynaa ayuu yiri
afhayeenka ciidamada Kenya .
Ma jiro wax war ah oo dhanka Xarakadda Al-Shabab
ka soo baxay oo arrintaani ku aadan hase ahaatee ciidamada
Kenya iyo Xarakadda Al-Shabab ayaa guulo ka kala sheegta dagaalada
ay ku galaan deegaano ku yaala koofurta Soomaaliya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com Muqdisho