Mareykanka
oo xoog ku soo furtay Muwaadhiniin laga heystay.

howlgalkii Ciidamada dowladda Maraykanka xalay
ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo khasaaro
geysta.
Xilli habeenimadii xalay Ciidamo ka tirsan dowladda
Maraykanka ay fuliyeen howlgal u muuqday mid qorshaysanaa
islamarkaana ay ku qaadeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida
oo gacanta ku hayay labo shaqaale ajanibi ah oo u howlgalayay
Hayadda DDG ee Miino baarista ayaa hadana waxaa warar
kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Qaar ka mid ah dadka ku sugan deegaano hoostaga
goobta uu weerarka ka dhacay oo dhowr KM u jirta degmada Galinsoor
aayaa sheegay in xalay rasaas culus ay is weedaarsadeen kooxihii
afduubka u haystay Muwaadiniinta u kala dhashay wadamada Maraykanka
iyo Denmark iyo Ciidamadii Maraykanka ahaa.
Inta laogyahay weerarkaasi ayaa lagu dilay
9-qof halka 5-kalena lagu dhaawacay kuwaasi oo dhamaantooda
la sheegay inay ahaayeen kooxihii burcad badeeda Soomaalida
ee gacanta ku hayay Muwaadiniintaasi, iyadoo sidoo kale Ciidamada
Maraykanka ay horey usii wateen 4-ka mid ah kooxihii burcad
badeeda Soomaalida ahaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee goobta uu weerarka
ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladdu ay tahay mid
degan islamarkaana dadkii ku dhaawacmay howlgalkaasi loo qaaday
degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com
Muqdisho