Ixtifaalkii
Mowliidka Nabiga NNK ha ahaatee oo Caawa lagu soo gabagabeeyey
Magaalada Stockholm ee Waddanka Sweden.

Waxaa Maaantay Abbaarihii 14:00 duhurnimo Xaafadda
Rinkeby ee Magaalada Stockholm ee Waddanka Sweden lagu qabtay
Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK ha ahaatee kaas oo socday
ilaa iyo Saacaddu markii aay aheyd 23:00 Habeenimo.
Haddaba Xafladdaas oo aay ka soo qayb galeen
Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid inta badan Waddamada
Yurub , sida Ingiriiska, Finland, Danmark , Biljam, Holand
, Norwey , iyo inta badan Magaalooyinka Waddanka Sweden, Waxa
ka Muxaadarooyin aad loo jecleystay halkaas ka soo jeediyey,
Culumada kala ah:-
1- Sheekh C/Rasaq Yuusuf Aadan oo ka yimid Waddanka
INgiriiska.
2- Sheekh C/Raxman Mire JImcaale oo ka yimid Magaaldda Göteborg
ee Waddanka Sweden.
3- Sheekh Xuseen Cusmaan Cabdulle oo ka yimid Magaalada Helsinki
ee Waddanka Finland.
4- Sheekh Suleymaan Maxamed Yuusuf oo isna ah reer Stockholm
waddanka Sweden iyo
5- Sheekh C/rashiid Xasan Axmed oo ka yimid Magaalada Turkuu
ee Waddanka Finland.
6- Macallim Aadan Xaaji Maxamed Xasan.
7-Sheekh Maxamuud Guricel oo isagu Marti geliyey Kulankaas
.
Waxaa sidoo kale halkaas Qasaa´id Nabi
ammaan ah oo aad loo jecleystay halkaas ka soo jeediyey Mashaa´ikhda
kala ah:-
1- Sheekh Deeq Xaaji Maxamed Xaji Cusmaan
2- Sheekh Xasan Sheekh Cumar
3- Sheekh Cabdi Kaariye Mahad-alle.
4- Sheekh Cumar Maxamed Cali
5- Sheekh Fatxi Maxamed Cawaale
Sidoo kale waxaa Culumadii ka soo qayb gashay ka mid ahaa
Sheekh C/Qaadir Sheekh Yuusuf Ibraahim , Sheekh , Sheekh Cabdisalaam-
gaab, Macallim Maxamed Digsi , Sheekh Guuleed Adam Maxamuud
iyo kuwa kale oo badan.
Waxaa iyana Xafladdaas ka soo qayb galay Koox
ka socotay mid ka mid TV/yada Waddankaan Sweden oo Min Billaaw
ilaa iyo Dhammaad Xafladdii Duubanayey, Xafladdiina waxeey
ku dhammaatay Jawi Wanaagsan.
Waxaa halkaan looga mahad naqayaa Dhammaan
intii Gacan ka geysatay Qabsoomidda Xafladdaas, sida Dhallinyarada
Wiilal iyo Gabdhaba, iyo dhammaan Quddumada oo dhan.

