Muqdisho
oo maanta laga furaayo Xafiiska QM ee siyaasadda Soomaaliya
UNPOS iyo qaar ka mid ah Xafiisyada UN-ka

Magaalada Muqdisho oo maanta laga furaayo Xafiiska QM ee siyaasadda
Soomaaliya UNPOS iyo qaar ka mid ah Xafiisyada UN-ka.
Xarunta Xalane ee duleedka magaalada Muqdisho
waxaa iminka ka socota qabanqaabo xoogan oo loogu jiro sidii
xariga looga jari lahaa xafiiska siyaasadda QM u qaabilsan
Soomaaliya ee UNPOS lagu magacaabo.
Diyaar garowga loogu jiro furitaanka xafiiska
UNPOS ayaa wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya waxay sheegayaan
in munaasabadda ay ka qeyb gelayaan madaxda ugu sareysa Dowladda
KMG ah, ergooyin ka socda Midowga Afrika, wadamada deeqaha
bixiya, marti sharaf fara badan iyo Weriyeyaal.
Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho
soo gaaraya ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mahiga
iyo madax ka tirsan Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa inay
ka qeyb qaataan furitaanka xafiiska cusub oo hoos yimaada
Ambassador Mahiga, halkaasi oo khudbado kala duwan ay ka jeedinayaan
dhammaanba madaxda ka soo qeyb galeysa.
Dhinaca kale furitaanka UNPOS ee magaalada Muqdisho
ayaa ku soo beegmaya in ka badan 20-sano oo dalka Soomaaliya
uu ku jiray burbur, fowdo iyo kala dambeyn la'aan, iyadoo
halka loo doortay in xafiiska uu ku shaqeeyo ee degaanka Xalane
loo arkay inay tahay goob ammaan ah oo ay ku wareegsan yihiin
dhowr raac oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com
Muqdisho