Ciidamada
Dowladda iyo Alshabaab oo uu Dagal ku dhexmaray Deegaanka
Taabto.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya
oo gacan Militari ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab
aya waxa uu xalay ka dhacay deegaanka Taabto oo ka mid ah
gobolka Jubbada hoose.
Dagalkaani ayaa ka dambeeyay ka dib markii Ciidamo
ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariiisimo
ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Militariga Kenya ku
leeyihiin deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada hoose.
Labada dhinaca ayaa isku adeegsaday Madaafiic
xoogan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac sida ay ku waramayaan
dadka deegaanka ah oo xalay cabsi xoogan soo wajahday markii
uu dagaalkaasi qarxay.
Lama shaacin qasaaraha dhimasho iyo dhaawac
ee ka dhashay dagaalka, iyadoo wali aysan jirin wax war ah
oo kasoo baxay Sarakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya,
kuwa Kenya iyo Al Shabaab oo ku aadan dagaladii ku dhexmaray
deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada hoose.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo
deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in
halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya
iyo Militariga Kenya, iyadoo xaaladduna ay ka dagantahay sidii
xalay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com
Muqdisho