Taageerayaasha
Ahlusunna waljamaaca ee Magaalada Nairobi oo codsi u diray
Maamulaha Isbitaalka Dadka Waalan ee Dr. Xabeeb.

Taageerayaasha Ahlusunna
waljamaaca ee Magaalada Nairobi ee Waddanka Kenya ayaa waxeey
aad uga wal walsan yihiin Cudur soo wajahay qaar badan oo
ka mid ahaa isla taageerayaasha , Cudurkaas oo runtii cidda
kaliya ee ka nabd qabtay aheyd Ahlusunna waljamaaca .
Haddaba Cudurkaan oo Soomali
badan la il daran tayahay , Daawadiisuna aad u adag tahay
si loo helo , ayeey Taageerayaashu waxeey Codsi u direen Maamulaha
Isbitaalka Dadka Waalan Dr. Xabeeb si uu u dhabiibo Asxaabtaas
ka xanuunsan.
Dadkaan ayaa waxaa ku
dhacay Cudur la yiraahdo Madaxinimo jaceyl , in kasta oo qaar
taageerayaasha ka mid ahi qabaan in kooxdaa cudrkaas ku dhacay
yihiin Ahlu jago waljallaafo ee aaysan aheyn Ahlusunna waljamaaca.
Haddaba Dadkaan oo markii
Magacooda la weydiiyey garan waayey Jaceyl kursi awgiis ,
ayeey Taageerayaashu waxeey Maamulka Isbitaalka u ballan qaadayaan
in aay bixin doonaan wixii Kharash ah ee ku baxa Daaweyntooda,
si aay ugu yaraan Magacyadoodii u soo xasuustaan.
Faadumo Jeelle .-Warxoolo114@hotmail.com
Xaafiiska Wararka Warlalis.com Nairobi