Ixtifaalkii
Mowliidka Nabiga NNK ha ahaatee oo Xalay lagu qabtay Magaalada
Kisa .

Waxaa Xalay si heer sare ah loogu soo gababgabeeyey
Magaalada Kisa oo u jirta Qiyaastii 40/Daqiiqo Magaalada Linköping.
Haddaba Xafladdaas oo aay soo qaban qaabiyeen
Dhallinyarada Deegaankaas ayaa waxaa si aan kala har laheyn
waxaa uga soo qayb galay dhammaan dadka deegaanka Kisa oo
aan u kala harin gabdho iyo wiilalba, iyaga oo ku marti qaaday
Koox Culumo ah oo uu hoggaaminayey Sheekh Maxamuud Guriceel
si uu ugu muxaadareeyo.
Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay
Qasaa´idyo lagu ammaanayo Nabiga NNK ha ahaatee oo aay
ka soo qayb galayaashii Xafladdu aad iyo aad u jecleysteen
oo aay si talan taali ah u qaadayeen koox culumo ah oo kaga
timid Xafladda Magaalada Linköping.
Xafladda oo Saacado socotay waxeey ku soo gabagaboowday
Jawi wanaagsan , Farxad iyo Guul .





