Ixtifaalkii
Mowliidka Nabiga NNK ha ahaatee oo Galabtay oo Sabti lagu
qabtay Magaalada Linköping ee Waddanka Swweden.

Waxaa Galabtay oo Sabti aheyd Magaalada Linköping
ee Waddanka Sweden lagu qabtay Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga
NNK ha ahaatee .
Haddaba Xafladdaan oo si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Dhaammaan Soomaaalaida
ku nool Degmadaas iyo agagaarkeeda .
Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay oo lagu marti
qaaday Jamaaco Culumo ah oo uu hoggaaminayey Sheekh Maxamuud
Maxamed Cali oo ku Magac dheer Sheekh Guriceel, kuwaas oo
ka kala yimid Magaalooyinka Stockholm iyo Goöteborg ee
Waddanka Sweden.
Xafladda inta aaysan billaaban ayaa waxaa si
wada jir ah loogu qadeeyey Hoolka weyn ee aay xafladdu ka
dhaceysay, ka dibna waxaa la guda galay Muxaadarooyinkii iyo
Nabi ammaanadii loogu tala galay Ixtifaalka.
Xafladda oo muddo Saacado ah qaadatay , ka soo
qayb galayaashiina aad u jecleysteen kheyrka Culumadu u sheegeysay
, waxeey ku dhammaatay Jawi wanaagsan , Farxad iyo is marxabeyn.

Xaafiiska
Wararka Warlalis Linköping Sweden.