Dab
qasaaro hantiyadeed gaystay oo ka kacay Suuqa Xamar-weyne

Caaway Abbaarihii Salaaddii Magrib ayaa Dab qasaaro hantiyadeed
gaystay waxaa uu ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne ee gobolka
Banaadir.
Waxaa dabkaan qasaaro gaystay uu ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne
gaar ahaan nawaaxiga Marwaas, waxaana la sheegay in halkaasi
uu dab ku qabsday dukaano lagu iibinayay raashin iyo sidoo
kale kuwa kale oo lagu iibiyo dharka iyo wixii la mid ah.
Gudoomiyaha degmada Xamar-weyne C/laahi Ibraahim Salah ayaa
waxa uu xaqiijiyay in dabka uu ka kacay Suuqa islamarkaana
looga baahanyahay dadka shacabka ah inay u gurmadaan.
Mudane Cabdullaahi Sahal ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay
in Suuqa loo gurmado hadii kale uu dabka kusii fidiyo qeybaha
kala ee uu ka kooban yahay Suuqa degmadaasi, waxaana la tilmaamay
in ilaa iyo iminka aan jirin wax dab damis ah oo halkaasi
gaaray marka laga reebo shacabka oo isticmaaalaya baaldiyo
laga soo buuxiyay biyaha oo ay u adeegsanayaan inay ku dambiyaan
dabkaasi.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dabkaas iyo xaaladihiisa khasaaro
la soco Warlalis.com
Xaafiiska Wararka Warlalis.com Muqdisho