Kooxda
Al Shabaab oo bandow kusoo rogay Afgooye cabsi Colaadeed awgeed..
Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh.hosoe ayaa
xalay bandow kusoo rogay Magaalada Afgooye, iyagoo amaro kala
duwan dul dhigay dadka ku dhaqan degmadaasi.
Bandowgaani oo ahaa mid aan horey loo shaacin
ayaa habeenimadii xalay waxaa lagu soo rogay degmada Afgooye
ee gobolka Sh.hoose, iyadoo shacabka ku nool degmadaasi lagu
amray in wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo ay xadidaan dhaq
dhaqaaqa ganacsiga iyo gadiidka, waxaana wixii xilligaasi
ka dambeeyay albaabada la isugu dhuftay goobihi ganacsii ee
ku yaala halkaasi.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa
waxaa ay shegeen in Bandowga uu ka dhaqan galay degmada islamarkaana
Saraakiisha Al Shabaab ay dadka ku amreen in saakay aan la
furin karin wax dukaan oo ganacsi ah iyo sidoo kale Iskuulada
ku yaala halkaasi, iyagoo ku armay inay isugu soo baxaan fagaarayaasha
wa wayn ee ku yaala degamdaasi.
Waxa la xadiday gabi ahaamba wadooyinka
soo gala degmadaasi iyo kuwa ka baxa, waxa la arkayaa dad
weyne farabadan oo kasoo lugaynaya deegaanada ku dhow dhow
degmada Afgooye, si ay ugu qeyb galaan isu soo bax ay Shabaabku
iclaamiyeen, si ay u dhagaystaan muxaadaro ku aadan dagalada
lagala soo horjeedo dowladda KMG sidaasi waxa yiri mid
ka mid ah dadka deegaanka ah.
Ugu dambeyn wararku qaar ayaa waxa ay sheegayaan
in Al Shabaab ay soo diyaariyeen gawaarida loo yaqaano Candho
meedlaaha si loogu daabulo dhalinyaradii dhawaan ay ku amreen
in si qasab ah ay isku soo diibaan galiyaan taasi oo ay walaac
xoogan ka muujiyeen waalidiinta farabadan ee dhalay Caruurtaasi
iyo dhalinyarada kale ee ku haray halkaasi.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com Muqdisho