Weerar
bambaano oo lagu qaaday Maqaaxi ku taal deg.Guriceel.

Weerar Bambaano oo qasaaro gaystay ayaa xalay
waxa lagu qaaday maqaaxi lagu caweeyo oo ku taala Magaalada
Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo Maamulka Ahlu Sunna
ee goblkaasi ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen dadkii ka
dambeeyay weerarkaasi.
Gudoomiyaha degmada Guriceel ee Maamulka Culumaaudiinka
Ahlu Sunna Waljamaaca Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo
Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku
dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.
2-ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxa lagu qaaday
goobta maqaaxida ah, waxaana la sheegay in Ciidamada ammaanka
ee Maamulka Ahlu Sunna ay howlgallo ka bilaabeen Magaalada
Guriceel ee goblkaa Galgaduud.
Cismaan Ciise Nuur ayaa sheegay inay wax ka
qabanayan kooxaha falalka ammaan dari ka wada degmadaasi,
isagoo xusay in shacabka looga baahanyahay inay la shaqeeyaan
laamaha ammaanka ee Maamaulka Ahlu Sunna si looga hortago
qaraxyada ka dhacaya halkaasi.
Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda
weerarkaasi bambaano inkastoo marar badan degmadaasi ay ka
dhaceen qaraxyo iyo falal kale oo lagu bartilmaameedsanayay
Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud.
Xaafiiska wararka Warlalis.com
Guriceel