Ahlusuna
Wal-jamaaca Gobolada dhexe oo sheegtay in Shirkii Garoowe uu
ahaa mid aysan ka wada qayb galin dhinac yadii horay uga qayb
galay shirkii ka dhacay Muqdisho .

Ahlusuna Wal-jamaaca Gobolada dhexe oo sheegtay
in Shirkii Garoowe uu ahaa mid aysan ka wada qayb galin dhinac
yadii horay uga qayb galay shirkii ka dhacay Muqdisho.
Gudoomiyaha fulinta Culumaaudiinka
Ahlusuna Wal-jamaaca Gobolada dhexe Sheekh Maxamed Yuusuf
Xeefow ayaa daboolka ka qaaday inaanu aqoomsaneyn qodobadii
ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan wejigiisii
labaad lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe ee xarunta Gobolka
Nugal.
Sheekh Xeefow oo u waramayay
mid ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada
Muqdisho ayaa ku tilmaamay shirkii Garowe mid aan xalaal aheyn
isla markaana aanu mira dhali doonon qodobadii ka soo baxay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shirkaasi
uu ahaa mid aysan ka wada qayb galin dhinac yadii horay uga
qayb galay shirkii ka dhacay muqdisho oo ay ka mid tahay Ahlu
suna wal jamaaca, waxanaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay
in Baarlamaanka soo socda lagu soo dhiso 4.5 oo ah mid aan
waafaqsaneyn Shareecada Islaamka sida uu hadlaka u dhigay.
Hadalka Gudoomiyaha Fulinta Ahlusuna
wal-jamaaca ayaa waxaa uu imaanyaa xili laba maalin ka hor
lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe shirkii wadatashiga
ahaa dhinacyada Soomaalda ay uga tashanayeen aayaha Somaaliya,
waxaana qodobadii ka soo baxay kulankaasi la soo dhaweeyay
halka qaar kalena ay dhaliileen.
Xaafiiska wararlalis.com Guriceel