Kenya:
waxaan dilnay 3 kun oo ka tirsanaa Shabaab
Wasiirka gaashaandhiga wadanka Kenya Yuusuf Xaaji ayaa sheegay
in mudada Sanadka ah ee ay Soomaaliya ciidamadu ka joogaan
inay ku dileen wax ka badan (3,000 Sadex kun) oo dagaalyahan
oo Xarakadda Al-Shabab ka tirsanaa.
Yuusuf Xaaji waxaa uu sheegay in dagaaladii ay la galeen
ciidamada Al-Shabab ay ku gaarsiyeen khasaaro xoogan oo uu
sheegay inay ku waxyeeleeyeen gaadiid dagaal dagaalyahano
fara badan oo ay ka dileen.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa
sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay baabiyeen
qatar Soomaaliya uga wajahneyd sida uu yiri waxaana uu intaa
ku daray inuu saxaafadda u xaqiijin karo inay Shabab ka dileen
dagaalyahano tiradoodu gaarayso 3,000 oo ruux.
Inay Shabab ka gubeen gaadiid dagaal ayna bur buriyeen bakhaaro
hub ku keydsanaa ayuu ku faanay wasiirka gaashaandhiga Kenya
sida lagu qoray wargeyska The Star oo dalka Kenya kasoo baxa.
Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaaladii
ay Al-Shabab kula galeen gobolka Jubbadda hoose ayaa waxaa
uu xusay inay uga geeriyoodeen 22 askari isla markaana ay
uga gubatay diyaarad nooca qumaatiga u kaca sidoo kalena kama
uusan hadlin dhacdadii askari ka tirsan ciidamada Kenya uu
ku rasaaseeyay dad rayid ah deegaan ka tirsan Jubbadda hoose
taasoo dhalisay khasaaro nafeed oo dad rayid ah soo gaaray.
Sadex cisho ayaa xigta sanad guurada koobaad ee kasoo wareegtay
markii ay ciidamada Kenya soo galeen waxaana ay ciidamada
Kenya ku qaadatay muddo sanad ah inay Xarakadda Al-Shabab
uga saaraan magaalooyin Kismaayo ku jirto oo jubbadda hoose
ku yaala