Askar ka tirsan dowladda
oo la toogtay
Xukunkaani dilka ah oo ka dhacay Fagaare ku yaalla Dugsiga tababarka
ee Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu fuliyay
4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda kuwaasi ooo horay
u dilay dad shacab ah iyo askar ka tirsanaa dowladda sida uu
ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Xasan Xuseen Muungaab
1-C/fitaax Salaad Aadan 2-Maxed cqaadir
Salaad 3-C/qaadir Cumar Cali sadaxdan oo ka mid ahaa ciidanka
booliska soomaliyeed ayaa waxa ay dil barer ah u geysteen taariiqda
mara ay aheyd 10/4/2012 marxuum C/laahi Maxed Warsame
oo ahaa taliye ku xigeenkii saldhiga degmada Hodan ka dib markii
uun marxuumka isku dayay in uu ka celiyo guri ay baad ka qaadanaayeen.
Midka 4-aad ayaa waxaa lagu magacabaa Muxumud
Xuseen Maalin oo ka mid ahaa ciidanka booliska waxaana uu dil
bareer ah u geystay taariiqda marka ay aheyd 15/6/2012 Marxuumad
Saynab Faarax Takaraf iyadoo saran gaari B.L ah askarigana uu
xabadeeyay gaariga kadib markii uu istaagi waya.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka Muun Gaab ayaa
tilmaamay in ay maxkamada sii wadi doonto xukunada lagu fulinayo
dadka dambiyada gala isagoona tilmaamay in ay dhawaan maxkamada
fulin doonto xukuno kala duwan oo loo heysto rag ka tirsan ciidanka
qalabka sida oo hada lagu hayo xabsiyada magaalada Muqdisho
Xaafiiska Wararka Warlalis.com