» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

4/ta-October maalin xusid mudan (Warbixin)

 

 

Maanta oo kale taariiqda marka ay ahayd 4-tii October sanadkii 2011
waxaa ka dhacay Xarunta Hargaha iyo saamaha ee magaalada Muqdisho
qaraxa ismiidaamin ah kaasi oo lala eegtay afaafka hore ee Xarunta oo
ku taalla inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 ilaa Isgoyska Banaadir ee
magaalada Muqdisho./

Xarunta waxaa daganaa qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladii KMG ahayd
iyadoo xiliga uu dhacayay qaraxa halkaasi imtixaan looga qaadayay
ardey ka kala timid meela badan oo Soomaaliya ka mid ah kuwaasi oo
deeq wax barasho ka helay dowladda Turkiga,.

Gaari noociisa uu yahay UD oo ay saarnaayeen waxyaabo qarxa iyo
fuustooyin shidaal oo ay ku jiraan waxyaabo Kiimiko ah ayaa qaraxa
lagu fuliyay iyadoo taasi ay keentay in qaraxa weyn uu ka dhasho
Xarunta kaasi oo gilgilay magaalada Muqdisho oo idil islamarkaana
gaystay qasaaro nafeed iyo burbur soo gaara Dhismaha Xarunta.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay dad tiradooda ay
gaarayso 70 ruux, iyadoo ilaa 100 ruux ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo
ahaa dad rayid ah haba ugu badnaadeene ardeydii ku sugnayd halkaasi ee
wax barashada u aaadi lahaa wadanka turkiga.

Dadka geeriyooday ayaa jirkooda si aad ah u go'go'ay halka kuwii
dhaawacmayna ay qaarkood gubteen kuwaasi intooda ugu daran loo fidiyay
gargar caafimaad oo dhanka dibadda ah, iyadoo wali ay jiraan dad aan
wali dhaawacii kasoo gaaray weerarka aan ka kabsan.

Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyada weerarkaasi ayaa waxa ay sheegeen
inay ku dileen qaraxaasi dad sirdoon ah iyo askar ka tirsan dowladda
oo tababar loogu qaadayay dalka dibadiisa, iyaga oo meesha ka saaray
in wax dad rayid ah ay meesha ku dhinteen.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad ayaa aad u
cambaareeyay weerarkaasi oo ku tilmaamay mid waxuushnimo ah.

Weerarkaani isqarxinta iyo weerarkii ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee
lagu dilay ardey qalanjabineysay ayaa waxaa uu mahadho ku reebay Umada
Soomaaliyeed oo maalmahaani si gaar ah u xasuusta una xusa, waxaana ka
dhashay naceybkii loo qaaday Al Shabaab oo ka dambeeyay qaraxyadaasi
inay ka baxaan meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah .

 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden