» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Musharax C/raxmaan C/shakuur oo la kulmay Odayaasha iyo Maamulka Galgaduud

Musharaxa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya Avv C/raxmaan C/shakuur ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo maamulka Gobolka Galgaduud. Xaflad Afur oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiya Gobolka Galgaduud Mudane Axmed Yuusuf Goobe, Cismaan Taar dhuleed godoomiya degmada Guriceel, Mudane C/raxmaan Geedaqorow gudoomiya degmada Dhuusamareeb, odayaal, siyaasiyiin, haween iyo aqoonyahan.

Kulanka oo uu musharaxu martigeliyey ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo siyaasiyiin ay ka midyihiin ay ka midyihiin Gudoomiye Abuukar Cusmaan Sheekh (Abuukar Ganeey), Caaqil Xasan Cilmi Yaxye, Siyaasiga Xaashi Nuure Awdiini, Jeneraal Cali Xaashi Baraale, Nabdoon Camalow iyo Xaliimo Ismaaciil (Xalimo Yareey, Cirfe iyo Abuukar Suryare iyo xubno kale.

Dadka goobta ka hadlay ayaa hoosta kawada xariiqay sidii gacan looga gaysan lahaa xoojinta iyo taageerida maamulka cusub ee Gobolku yeeshay. Odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo qaybgalay kulanka ayaa dhamaantood u mahadceliyey musharax kuna amaanay sida uu isaga xilsaaray deeganka iyo dadkiisa iyo sida uu mar walba ugu taaganyahay danaha dadka uu metelo, iyagoona ku baaqay in musharaxa lala garab istaago taageero buuxda.

Musharax Avv. C/raxmaan C/shakuur oo ugu danbayntii meesha ka hadlay ayaa sheegay inuu si wayn u danaynayo deeganka, isagoo balanqaaday inuu marwalba ka shaqayn doono sidii deegaanka iyo dadkiisaba loo hormarin lahaa, looguna xiri lahaa deegaanada kale ee ay deegaan iyo bahwadaaga leeyihiin, si loo taabageliyo maamul salbalaaran oo deegankaas ka ambaqaada. Musharaxu wuxuu sheegay in sida keli ah ee taasi ku suuroobi kartaa ay tahay in la helo dib u heshiisiin bulsho oo gole dhaqan lagu abuuro lana dhiso maamul sharciyada leh oo loo dhanyahay.

Wuxuu ugu danbayntii ugu baaqay qurbajooga iyo ganacsatada deegaanka in ay gacan siiyaan maamulka cusub, maalgashina ku sameeyaan deegaankooda, isagoo dhinaca dawlada ku meelgaarka ah iyo beesha caalamka ugu baaqay in garab istaagaan dadka iyo maamulka deegaankaas.



 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden