kooxo hubaysan oo dhaawacay
Wariye ka tirsanaa Tv-ga Unibersal
Rag hubaysan oo aan heebtooda ayaa ku dhaawacay
Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle Kuwaaral hoyga uu ka dagan yahay
degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho xili uu fadhiyay fafaafka
hore ee hoygiisa oo uu ku cadeysanayay.
ilaa labo nin oo bastoolado ku hubaysan ayaa la
sheegay in ay xabado la dhaceen Wariyaha oo ka tirsanaa Wariyaasha
Tv-ga Universal qeybtiisa magaalada Muqdish, iyadoo rasaasta
ay uga dhacday caloosha iyo lugaha dhiig badana uu ka baxay.
C/qaadir Kuwaaral ayaa markiiba la gaarsiiyay
dhaawaciisa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo haatan
xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo, waxaana laga bixiyay haatan
qolka saaladda kadib markii dhiig loo shubay xaaladiisana ay
kasoo yara wanaagsanaatay sidii hore.
Macadda cida ka dambeysa weerarka Wariyaha iyo
sababta loo beegsaday hase ahaatee maalmihii u dambeeyay waxaa
kusoo badanayay magaalada Muqdisho dilalka Wariyaasha, iyadoo
deegaanka Madiina horay loogu dilay labo Wariye mid kalana loogu
dhaawacay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com