Ajaanibta
ku biireysa Shabaab oo laga walaacsan yahay
Ururka Midowga Yurub ayaa waxa uu walaac xooggan ka muujinaya
dadka
ajanabiga ah ee ku biiraya Xarakada Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Midowga Erube oo uu soo xiganayo Wargeyska
Sunday
Times ee dalka Britain ayaa sheegaya inay Walaac ka qabaan
Tirada
dadka u dhashay Wadamada Erube ee usoo safraya Soomaalia si
ay ugu
biiraan Xarakada Al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakiishaan ayaa tilmaamay in waqtiyadii lsoo
dhaafay ay
jireen Dhalinyaro Soomaali ah iyo kuwo Ajaanib ah oo dhamaantood
ku
mar marsiyooda dalxiis inay kusoo aadayaan Wadamo daris la
ah
Soomaalia sida Kenya balse ku biira Shabaab.
Masuuliyiinta Midowga Eurube ayaa tusaale usoo qaatay
nin u dhashay
Norway oo dhawaan isagoo qaab Tabliiq ah ku shaqeynayay ay
qabteen
Sirdoonka Norway kaasi oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay
Xarakada Al Shabaab.
Dad badan oo ajanabi ah ayaa waxaa lagu qabtay dalalka daris
ah
Soomaaliya sida Kenya kuwaasi oo lagu eedeeyay inay doonayeen
inay ku
biiraan Xarakada Al Shabaab.