» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Sheekh Hassan Macalin Ibraahin oo loo yaqaan Alwaajidi oo Shabaab kasoo goostay, Alwaajidi oo ka waramay arimaha qarsoon ee Alshabaab!!!



Hassan Macali Ibraahin oo loogu yeero Alwaajidi ayaa ka soo goostay Maliishiyaadka Alqaadida geeska Afrika ee Al Shabaab, Alwaajidi oo ahaa nin caan ka ah Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelooyinka ayaa xalay usoo gudbay Dawladda Soomaaliya soona gaaray Madaxtooyada Soomaaliya.

Hassan Macalin Alwaajidi oo noloshiisa inta badan ku qaatay Dalka Sacuudiga, lugweyna kulahaa aasaaskii Maxaakiimta Islaamiga, iimaana ka ahaan jiray Masaajid weyn oo ku yaala Xaramka ayaa kusoo biiray Maliishiyaadka Alshabaab si buuxda sanadkii 2009-ka, Alwaajidi oo ah Daaci weyn, diintana si fiican u yaqaana ayaa Maliishiyaadka Alqaacida u qaabilsanaa sanadihii ugu danbeeyay dhinaca Aruurinta Sakawaadka.

Alwaajidi ayaa sheegay inay ku qasabtay inuu kasoo tago maliishiyaadka Alqaacida iyo Alshabaab kadib markii uu arkay xadgudub weyn oo maliishiyaadku ay ku samaynayaan diinta Islaamka.

Hasan Macalin Alwaajidi ayaa sheegay xadgudubyada maliishiyaadka Alqaacidada geeska afrika ku sameeyaan shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed inay ka mid yihiin in gabdhaha yaryarka la iska wato iyaga oo aan la weydiinin waalidkood, lana sheego in Mujaahidku inuusan u baahneyn inuu waydiiyo ruuxa wilaayada gabadha leh.

Alwaajidi ayaa sidoo kale sheegay Dilka Saraakiisha waaweyn ee Alqaacida ee dhowaanahaan ay dilayeen diyaaradaha Duuliya la’aanta ah ee Maraykanka Sida Bilaal Albarjaawi inay ka danbeeyaan Madaxda sare ee Alshabaab gaar ahaan Ina Godane iyo Ibraahin Afgaan, balse Alwaajidi ayaa sheegay in marka ay madaxda Alshabaab dilal qorsheysan u geystaan Saraakiil sare oo Alqaacida ah inay iska soo qabsadaan dhalinyaro soomaaliyeed oo lagu masabito inay ka danbeeyaan dilalka loo geysto Madaxda Alqaacida, dhalinyaradaan ayaa waxaa loo geystaa jirdil caadiga ka baxsan ilaa qaarkood lagu qasbo inay qirtaan si jirdilka looga daayo. Hassan Macalin Alwaajidi ayaa sheegay in Madaxda sare ee Alshabaab ayaa caadi ka dhigatay inay markii ay ku fuliyaan dilal qorsheysan saraakiisha sare ee Alqaacida ee runta u qaadata Jihaadka ay ku baaqayaan Madaxda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee Hassan Macalin Alwaajidi ayaa sheegay inuu dhowaan usoo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed waxyaalo badan oo ka qarsooon umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah oo ay ku dhaqmaan madaxda Alshabaab, Alwaajidi ayaa sheegay inaan meeshaas diin islaam ka jirin balse cagsigeeda lagu baabi’iyo diinta Islaamka.




 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden