CPJ oo walaac
ka muujisay dhibaatada loo geesanayo suxufiyiinta Somalia
.
Hayadda CPJ oo qaabilsan badbaadinta suxufiyiinta caalamka
ayaa
warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay aad
u
cambaareenayso falalka naxdinta leh oo ay la kulmayaan suxufiyiinta
soomaaliyeed eek u shaqeenaya marxallada adage e ka jirta
dalka
Somalia .
Uqaabilsanaha hayadda CPj ee bariga Africa Tom Rhods
oo ku xusan
warsaxaafadeedka ayaa sheegay in ururka CPJ uu aad uga walaacsanyahay
tacaddiyada loo geesanayo suxufiyiinta ka howlgasha dalka
Somalia oo
ah dal muddo ka badan 20 sano aan lahayn dowlad dhexe ,.
Waxana uu Tom Rhods uu sheegay in loo baahanyahay in kooxaha
ka jira
dalka Somalia ay xaq dhowraan xuquuqda saxafiga , islamarkaana
ay ka
ilaaliyaan dhibaatada sida uu yiri u qaabilsanaha hayadda
CPJ ee
bariga Africa .
Warsaxaafadeedka hayadda ayaa lagu cambaareeyay falkii
ugu dameeyay
ee lagu dhaawacay wariye Cabdi qaadir Cumar Cabdulle oo kamid
ah
wariyayaasha soomaaliyeed ee ka howlgala dalka Somalia .
Waa arin aan loo dulqaadan Karin in la dhibaateeyo ruux
dadka iyo
dalka u adeegaya , kana shaqeenaya horumar ayaa lagu yiri
warsaxaafadeedka ka soo baxay CPJ.
CPJ ayaa warsaxaafadeedkeeda waxaa lagu dhaliilay Dowladda
KMG Somalia
oo wax ka qabanwaysay dhibaatada loo geesanayo suxifiyiinta
soomaaliyeed ,
maadaama inta badan suxufiyiintii waxyeelada la gaarsiiyay
ay ku
sugnaayeen dhul ay ka taliso dowladda KMG Somalia , waxana
CPJ taasi
ay ku tilmaamtay masuuliyad darro .
Somalia ayaa safka hore waxa ay kaga jirta dalalka
caalamnka ku yaala
ee lagu dhibaateeyo saxufiyiinta , waxana sanadkan kaliya dalka
Somalia lagu dilay 7 wariye , halka kuwo kalana la dhaawacay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com