Ciidamada
dowladda oo soo furtay dad dhaawac ah
Ciidamada dowladda ayaa Xarakada Al Shabaab kasoo furtay
dad dhaawac ah kadib weerar ay ku qaadeen deegaan lagu hayay
dadkaasi oo hoostaga magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Weerar ciidamada dowladda ay ku qaadeen maanta tuulo lagu
magacaabo Bura oo ku taalla duleedka magaalada Garbahaareey
ee gobolka Gedo ayaa waxa ay kusoo badbaadiyeen dad ku dhaawacmay
halkaasi oo ay rasaas ay ku fureen Xarakada Al Shabaab.
Dadka dhaawacmay oo ahaa ganacsato qaad ama Jaad oo lagu rasaaseeyay
gaari ay wateen ayaa waxa ay ciidamada intii ay kasoo furanayeen
Al Shabaab ka dhacay deegaanka iska horimaad mudo kooban socday.
Iska dhaca kadib ciidamada dowladda waxaa la sheegay inay
u suura gashay soo furashada ganacsatadaasi oo tiradooda aan
la cadeen kuwaasi oo haatan la geeyay magaalada Garbahaareey
oo ay ka taliso dowladda halkaasi oo lagu dabiibayo.
Al Shabaab ayaa waxa ay ka mamnuuceen deegaanada ay ka taliyaan
ka ganacsiga qaadka iyo waxyaabaha la midka ah ee maanka dooriya.