Ciidamada ka tirsan dowladda
oo ka cabanaya mushaar laaan
Maamulka magaalada Baledweyne ee dowladda ayaa
waxa uu sheegay in wax mushaar ah aysan qaadan ciidamada taasi
oo uu sababeeyay amni darada ka taagan magaaladaasi.
Iyadoo ay sii kordhayaan falalka amni daro ee magaalada Baledweyne
ee gobolka Hiiraan ayaa ayaa Maamulka dowladda ee magaaladaasi
waxa uu u sababeeyay amni xumada mushaar laaan haysata
ciidamada dowladda.
Sheekh Cismaan Barre Maxed, Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne
ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay inaysan jirin cid mushaar
siisa Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne islamarkaana
loo baahan yahay in la taakuleeyo Ciidamada Dowladda oo uu tibaaxay
inay yihiin kuwa leh mudnaanta koowaad sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiyha ayaa carabka ku dhuftay inay codsi
u direen Madaxda Dowladda KMG ah taasi oo ku aaddan in Ciidamada
Dowladda ee ku sugan Magaaladaasi ay helaan Mushaaraadkii ay
xaqa u lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in gobolka uu ka jiro
hoos u dhac ballaaran islamarkaana Dowladda KMG ah looga baahan
yahay in arrimahaasi ay wax ka qabato.
Magaalada Baledweyne ayaa tan iyo markii ay la wareegtay dowladda
KMG Soomaaliya waxaa ka jiray dhibaatooyin dhinaca amaanka ah,,
iyadoo Hayadda u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeysay
Maamulka dowladda ee Hiiraan in uu xad gudubyo u gaystay dadka
shacabka ah.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com