Dad rayid ah oo lagu dilay
Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Askari boolis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda
ayaa waxa uu labo ruux oo rayid ah ku dilay Isgoyska KM4 ee
magaalada Muqdisho kadib markii askarigaasi uu rasaas ku furay
gaari ka biya diiday amar uu bixiyay askariga.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rasaasta
uu furay askariga ay haleeshay labo ruux oo rayid ah oo saarnaa
gaari BL, ah, xili askariga uu la damacsanaa rasaasta gaari
kale oo ah midka uu amarka ku bixyay la joojiyo oo ahaa gaari
nuuca raaxada ah.
Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa xalay degmada
Shibis ee gobolka Banaadir ku dilay nin ay ku sheegeen in uu
ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, kaasi oo aysan aqoonsan dadka
deegaanka ah.
Dhawaan ayaa ciidamada dowladda waxa ay degmada
Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen nin ay ku eedeeyeen
in uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com