» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Ciidamo ka mid ah AMISOM oo dhaqaalahooda la kordhiyay

 

Sida uu qoray wargeyska The observer ee ka soo baxa dalka Uganda
dowladda Uganda ayaa kordhisay qarashka ku baxaya ciidamada Uganda ee
ka midka ah kuwa AMISOM ee ku sugan dalka Somalia.

Wargeyska the observer ayaa soo xiganaya wasiiro ka tirsan dowladda
Uganda oo arintan ku aadan qarasha ciidamada Uganda ka siiyay xog
badan.

Ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia ayaa maalin waliba waxaa ku
baxeysa sanadkii qarash dhan Shs672Million halka sanadkii hore
maalintii ay ku bixi jirtay Shs376Million, waxana arintani ay
muujineysaa ayuu leeyahay wargeyska in 78% uu sara u kacay qarashka ay
qaadanayaan ciidamada Uganda ee dhulka Somalia ku sugan.

Wasiirka difaaca dalka Uganda Chrispus Kiyonga ayaa qalinka ku doogay
ansixinta dalab kaga yimid barlamaanka dalka Uganda oo isku raacay in
la badallo budgetka dowladda Uganda ay sanad waliba ka heli jirtay QM
iyo Midowga Africa oo ahaa Shs137bn sanadkiiba islamarkaana la
gaarsiiyo Sh 245bn sanadkiiba sida uu qorayo wargeyska The observer.

Simon Mulongo oo ah ku xigeenka guddi barlamaanka Uganda u qaabilsan
difaaca iyo arimaha gudaha ayaa wargeyska the observer u sheegay in
mas’uuliyad ay ka saarantahay xuquuqda askartooda ku sugan dalka
Somalia.

Waxa uu sheegay inuu jiro hishiis is afgarad ah oo Uganda iyo Midowga
Africa ay ku gaareyn Addis Ababa , hishiiskaas oo dhigayay in dowladda
Uganda ay diyaar l;a tahay qalabeynta Askarta Uganda hubka iyo
gaadiidka , midowga Africana ay bixinayaan dharka iyo gaashaanka hubka
.
Simon Mulongo ayaa u sheegay wargeyska in haatan uu xaalka is rogay oo
ay AMISOM ay isticmaaleyso diyaarado dagaal , waxana Uganda hishiis
kale ay la geli doontaa midowga Africa .

Budgetka sanad waliba ay heleyaan ciidamada Uganda oo ah 245bn ayaa
waxa uu leeyahay wargeyska waxa uu ka badanyahay budgetka sanad waliba
ay hesho wazaaradda Garsoorka iyo arimaha dastuurka oo gaaraya Shs
186.9bn.

Sida ka muuqata warbixintan lagu qoray wargeyska The observer waxaa
sara u kacaya mushaaraadka ay qaataan askarta Uganda .

Midowga Africa ayaa bixiya mushaaraadka balse dowladda Uganda ayaa xaq
waxa ay u leedaahay in askarteeda ay lacagta u qeybiso.

Inkastoo ciidamada AMISOM loo qoondeeyay in tiradooda la gaarsiiyo
17,730 askar ayaa dowladda Uganda Somalia waxaa kaga sugan ciidamo
gaaraya 6,700 oo askari , waxana mishear ahaan ay ka badan yihiin
ciidamada kale ee ka socda Burund , Djibouti iyo Kenya .

 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden