Dilka dad Ethiopian ah
oo lala xiriirinayo Al Shabaab.
Saraakiisha booliska dowladda Koofur Africa ayaa
sheegay in baaritaanno ay sameeyeen kaddib ay ku ogaadeen in
Al Shabaab Magaaladaasi ay ku dileen dad kasoo jeeda dalka Ethiopia
oo ku sugnaa gudaha dalkaasi.
Booliska ayaa sheegaya in 14-Muwaadin oo u dhalatay dalka Ethiopia
rag ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen gudaha Magaalada Cape
Towan iyo daafaheeda islamarkaana arrintaasi ay wali ka arrinsanayaan
Saraakiisha Ciidamada booliska ee dalkaasi.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada dalka Koofur
Afrika ayaa sheegay inay ka hortagayaan dhibaatooyinka ka dhaca
dalkaasi islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in tallaabo laga
qaado cid waliba oo qal qal galinaysa ammaanka dalkaasi.
Arrintaani ayaa la aaminsan yahay in saameyn ballaaran
ay ku yeellan doonto Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, inkastoo
iyaguba ay qaati ka taagan yihiin kooxo Koofur Afrikan ah oo
dhibaato u gaysta.
Marka laga soo tago dilka la sheegay in loo gaystay dadka Ethiopian-ka
ah, waxaa jira Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo lagu la
yahay dalka Koofur Afrika kuwaasi oo ay dileen sida la sheegay
Kooxo burcad Koofur Afrikan ah, waxaana jirin illaa iyo iminka
booliska dalkaasi tallaabo uu ka qaaday Kooxahasi.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com