Dilkii Taliye ku xigeenkii
labaad ee booliska Puntland oo dad loo qabtay .
Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu dad usoo
qabtay dilkii xalay loogu gaystay magaalada Garoowe Taliye ku
xigeenkii labaad ee booliska Puntland.
Baaritaano ay ka sameeyeen ciidamada Maamulka
Puntland magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxaa la sheegay
in ay kusoo qabteen 3 ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen
dilkii Taliye ku xigeenkii labaad ee booliska Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shirre
oo ka hadlay dilka Taliyaha ayaa sheegay in ay ka xun yihiin
dilka Taliyaha oo uu sheegay in dadkii gaystay ay talaabo ka
qaadi doonaan, isaga oo ka codsaday shacabka Puntland inay kala
shaqeeyaan amaanka oo soo sheegaan cid kasta oo ay arkaan inay
halis ku tahay amniga.
C/laahi Saalax Maxed, Taliye ku xigeenkii
labaad ee booliska Puntland ayaa xalay rag hubaysan waxa ay
ku dileen isaga oo gaari watay Koofurta magaalada Garoowe.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com