Giulio Terzi: Dastuurka
Somaliya halagu saleeyo dimuquraadiyada
Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay soo jeedisay
in dastuurka loo sameynayo dalka Soomaaliya uu noqdo mid ku
saleysan dimuqraadiyada.
Isaga oo ka hadlayay Shirka kooxda xiriirka Caalamiga
ah uga soconaya magaalada Roma ayaa waxa uu sheegay wasiirka
arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi in loo baahan yahay
in dastuurka loo sameynayo Soomaaliya lagu saleeyo dimuqraadiyada.
Waa in dadka oo dhan Muslim iyo Kirishtan
ay si xor ah ugu noolaan karaan gudaha Soomaaliya, oo qof walba
diintiisa aan la fara gashan oo aan lagu nacin sidaasi waxaa
ku jira wanaag iyo is ixtiraam ayuu yiri Giulio Terzi.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Talyaaniga
oo ka hadlay kala guurka Soomaaliya ayaa soo jeediyay muhiimada
ay leedahay in laga gudbo KMG oo dowlad rasmi ah loo helo Soomaaliya
waxii ka dambeeya bisha August taasina waxa uu sheegay in lagama
maarmaan ay tahay sidii lagu heli lahaa.
Talyaaniga waxaa ka soconaya Shir ku saabsan arrimaha
Soomaaliya kaasi oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay rajada
laga qabo in dowlad aan KMG aheyn ay yeelato Soomaaliya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com