Dowladda
iyo QM oo ka walaacsan in mar kale uu dib dhaco Shirka Ergada
25-ka bisha
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Raiisul
wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay ka digeen
in 25-ka
bisha uu dib u dhaco Shirka Ergada ansixinta dastuurka.
Isaga oo la hadlayay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed Wakiilka
Qaramada
Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa waxa
uu sheegay
in uu aminsanaa in wax waliba ay waqtigooda ku dhamaanayaan
balse waxa
uu sheegay in uu ka walaacsan yahay dib u dhaca marar badan
ku yimid
Shirka Ergada,
Augustine Mahiga ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada Shirka
Ergada ee
25-ka bisha kaasi oo uu sheegay in hadii uu dib u dhaco aan
mar dambe
la aamini doonin Madaxda dowladda, waxaana uudhinaca kale
tilmaamay in
Odayaasha looga baahan inay ka tanaasulaan is qabqabsi ka
dhaxeeya oo
ay u tanaasulaan sidii loo badbaadin lahaa dalka oo looga
shaqeyn
lahaa mustaqbalka Soomaaliya.
Raiisul wasaaraha Xukuumadda KMGSoomaaliya oo isna hadlay
ayaa
sheegay in loo baahan in Odayaasha dardargaliyaan howlaha
loo
xilsaaray si dalka looga saaro KMG oo loo helo dowlad rasmi
ah.