Shir burcad badeeda ku
saabsan oo ka furmaya Dubia

Waxaa maanta Magaalada Dubai ee dalka isutaga
Imaaraatka Carabta ka furmaya shir looga hadlaayo arimaha Kooxaha
Burcad Badeeda soomaalia oo noqday Caqabad Caalamka uu indhaha
ku hayo iyadoona ay kusii qul qulayaan Xarunta uu Shirka ka
furmayo.
Wasiirka arimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta
Shaikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa waxa uu sheegay in
Kulanka ay ka qeybgalayaan in kabadan Madaxda 50 Dowladood iyo
Ururo Caalami ah kuwaas oo raadinaya Xalka lagu soo afjari karo
Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalia.
Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ayaa ka qeyb galaya Shirkaani burcad badeeda looga hadlayo
oo lagu casuumay isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Shaikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo
kale tilmaamay in dhalinyarada Burcad Badeeda ah ay helaan dhaqaale
aad u fara badan islamarkaana Sanadkii hore ay heleen $7 billion
oo madax furasho ahaan ay uga qaateen Gaadiidka Badeedka mara
Biyaha Soomaalia iyo goobaha Kabaxsan
Xaafiiska Wararka Warlalis.com