Farmaajo: waxaa
jiray caqabado haystay xukuumadeyda
Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa
cadeeyay inay jireen caqbado haystay Xukuumadiisa mudadii uu
shaqeynayay.
Maxed C/laahi Maxed Farmaajo Raiisul
wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay
caqabadihii ugu weynaa ee haystay Xukuumadiisa markii uu Raiisul
wasaaraha ahaa.
Raiiul wasaaraha ayaa sheegay in caqabad
weyn ay ka hysatay dhanka Maaliyada oo waxa uu sheegay in ay
jirtay kalsooni daro ay isku qabeen ilaha dhaqaalaha dowladda
KMG, isaga oo tusaale usoo qaatay Bangiga Soomaaliy oo uu sheegy
in xiligaasi aysan wax wada shaqeyn ah kala dhexeyn xukuumadiisa
sababo uu ku sheegay in isfaham daro iyaga oo aan isku aamin
qabin.
Farmaajo ayaa waxaa la rumaysan yahay in uu yahay
shaqsigii kaliya ee weyn qabtay mudadii uu xilka Raiisul
wasaarinimo hayay marka loo eego Raiisul wasaarayaashii
ka horeeyay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com