Khilaaf
aad u xooggan oo u dhaxeeya Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka
Hiiraan oo cirka isku sii shareeray.
Khilaaf aad u weyn oo u dhaxeeyay Mas'uuliyiinta Maamulka
Gobolka Hiiraan ayaa cirka isku sii shareeray, iyadoo Mas'uuliyiinta
Maamulkaas ay hadalo kulul isu marsiiyeen warbaahinta, kaasoo
midba midka kale uu ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay arrimaha
horumarka iyo ammaanka.
War si wada jir ah shalay uga soo baxay Gudoomiye
ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla
Cismaan (Axmed Inji) iyo Gudoomiyaha degmada Beledweyn Sheekh
Cismaan Barre ayay labadaba ku eedeeyeen Gudoomiyaha Gobolka
C/fataax Xasan Afrax inuu ka dambeeyo amni darada ka jirta magaalada.
Sheekh Cismaan Barre Gudoomiyaha degmada Beledweyn
ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka uu soo fara gishtay howshii
maamulka degmada, isla markaana caqabad ku noqday habsami u
socodka maamulkiisa degmada.
"Aniga ayaa Gudoomiye degmada ah, wuxuu caqabad
ku yahay, sidii aan waajibkeyga u gudan lahaa, amni darada qeyb
ayuu ka yahay"ayuu yiri Gudoomiyaha degmada oo sheegay
in Ciidamo gaar ah uu leeyahay gudoomiyaha, kuwaasoo xusay in
sidee doonaan ka yeelan karaan.
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka ee dhinaca ammaanka
Axmed Inji ayaa dhankiisa sheegay inay warqad u qoreen Wasaarada
Arrimaha Gudaha, ayna ka dalbadeen in tallaabo deg deg ah laga
qaado, waxaana uu xusay inuu hortaagan yahay howsha deegaanada
Gobolka looga xoreynayo Al-Shabaab.
"Ninkaas wuxuu bilaabay in qaab hogaamiye
kooxeednimo u dhaqmo, hada Xamar ayuu ku sugan yahay, waxaa
ka codsaneynaa dowladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Shariif
inay tallaabo ka qaado, anagana warqad ayaa u gudbinay Wasaarada
Arrimaha Gudaha"ayuu yiri Axmed Inji.
Khilaafkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo horay Maamulka
Gobolka Hiiraan uu isku heystay arrimo ay ka mid tahay canshuuro,
oo xubno ka tirsan Maamulkaas ay sheegeen in shacabka aan wax
canshuuro ah laga qaadi karin, iyadoo bandowga xilliyada qaar
la joojin, dadkana si joogto ah u ganacsadaan.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com