Midowga
Africa oo cambaareeyay dilkii wasiirkii hore ee ganacsiga
Ururka Midowga Africa ayaa waxa uu cambaareeyay Qaraxii lagu
dilay
wasiirkii hore ee ganacsiga dowladda Maxud Cabdi Ibraahim
Garweyne.
Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga africa u qaabilsan
arimaha
Soomaaliya Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra ayaa warsaxaafadeed
maanta uu ka soo saaray Addis Ababba ku cambaareeyay qaraxii
lagu
dilay Xildhibaan Mohamed Abdinur oo xukuumadihii kala dambeeyay
ka
ahaa wasiirkii biniaadinimada iyo wasiirkii ganacsiga
.
Boubacar Diarra ayaa sheegay inay aad uga naxeen markii ay
ka war
heleen in qarax gaarigiisa lagu xiray lagu dilay Garweyne
oo uu
sheegay inuu ahaa shaqsi howlkar ah.
Waxaan si aad ah u cambaareynaa falkii naxdinta lahaa
oo ay ka
dambeeyeen dad ay dhibayso nabad ka dhalata dalka Soomaaliya
ayuu
yiri Boubacar Diarra isagoo intaasi ku daray in tacsi ay u
dirayaan
Eheladii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum , waxaana uu sidoo
kale
bogsasho uu u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.
Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee midowga africa
u qaabilsan arimaha
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in somalia xilligaan ay ku
jirto
waqti xasaasi ah oo lama huraan ay tahay in soomaalida ay ka
fikiraan
sidii ay uga bixi lahayeen KMG-ka islamarkaana ay u soo dooran
lahaayeen hogaan cusub .
Waxa uu sidoo kale Boubacar Diarra uu tilmaamay in Midowga africa
gaar
ahaana ciidamada AMISOM ee ka jooga Soomaaliya inay sii wadi
doonaan
howlahooda ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed ay kaga celin
lahaayeen kooxaha u diidan nabadda sida al shabab oo kale waa
sida uu
yiri .
Boubacar Diarra waxa uu tibaaxay in AMISOM ay tababaro siinayso
ciidamada booliska si ay uga hortagaan rabshadaha Muqdisho ay
ka
sameenayaan Xarakada Al shabaab oo uu sheegay in wali muqdisho
qebo ka
mid ah ay ku sugan yihiin .
Xaafiiska Wararka Warlalis.com