Midawga
Africa oo la shaqeynaya M/weynaha cusub
Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan
Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa hambalyo u diray madaxweynaha
cusub ee caawa la doortay, Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafula wuxuu sheegay in doorashada ay ahayd mid xor ah oo
si caddaalad ah ku dhacday.
AMISOM waxay ballan-qaadday inay la shaqeyn doonto madaxweynaha
cusub, dowladdiisa iyo dadka Soomaalida.
Wafula wuxuu kaloo bogaadiyay dadaalka beesha caalamka, gaar
ahaan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,
Augustine Mahiga taageeradii uu ku lahaa soo af-jaridda xilliga
KMG ah.
Wuxuu kaloo ammaan u jeediyay guddiga farsamada soo xulidda
xildhibaannada iyo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya
iyo kuwa AMISOM oo xaqiijiyay ammaanka muddadii ay socotay
doorashada iyo guud ahaan xilligii lagu howlanaa dhammeystirka
marxaladda kala-guurka aheyd.
Wafula wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay
dib u dhiska ciidanka xoogga dalka, isagoo sheegay in AMISOM
ay dowladda cusub kala shaqeyn doonto dhaqangelinta qorshaha
xasilinta amniga qaranka.