» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Madaxda Soomaalida ee Musuqmasuqa Baahsan sameeyay oo Gacanacsatadii xoolahooda hayeyay durbaba Bilaabeen in lacagaha kala Baxaan account-yada Bankiyada Caalamka!!! Sababtu Maxay tahay?

 

Madaxda Soomaalida oo sanadihii lasoo dhaafay si ka baxsan xadka Bini aadanimada u dhacayey hantida shacabka Soomaalida xili ay dalka ka jirtay abaaro iyo colaado ay ku dhinteen dad badan oo gaarayey boqolaal kun ayaa la sheegayaa inay markii ugu horeysay ay soo food saartay welwel iyo hurdo la’aan ay sababtay warbixin UN-ku kasoo saarey musuqmaasuqooda iyo Maamul xumadooda.

Hantida Shacabka Soomaaliyeed ee ay lunsadeen, qaarna ay sida xun u maamuleen masuuliyiinta kala ah Madaxweyne Shariif, RW Cabdiweli Gaas, Gudoomihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdirahmaan Faroole, RW-hore Farmaajo, Gen Gaafoow iyo Kambaniyo ay ama leeyihiin madaxdaan ama dad iyaga qaraabo la ah ay umaamulaan ayaa la sheegayaa in ay isugu jirtay mid ka imaaneysay daqliga kasoo xarooda gudaha Soomaaliya, sida dekedaha, Ayraboorada, Canshuuraha iyo dhaqaalaha Caalamku u siinayeen inay dhibaatada dalka wax uga qabtaan sida abaaraha iyo xaga nabadgelyada ayaa markii ugu horeysay waxaa banaanka lasoo dhigay qeyb ka mid ah musuqmaasuqa, isdabamarinta iyo cadaalad daradda ay ku sameynayeen masuuliyadda ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed oo xog ogaalka u ah arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in warbixintu ay banaanka soo dhigtay qeyb yar oo kamid ah waxa dalka Soomaaliya ka dhacayey sanadihii lasoo dhaafey, iyagoo sheegaya in musuqmaasuqa, cadaalad darada iyo ku takrifalka awooda ee ka jirtay dalka Soomaaliya aanba laga sheegin 20%.

Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay sababta keentay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay kuligood raadiyaan kuraasta ugu sareysa wadanka inay tahay in Masuuliyadda qaranka Soomaaliyeed ay noqotay sanidihii lasoo dhaafay mid aysan haba yaraatee uusan jirin wax isla xisaabtan ah, dhaqaalaha dalkana ay kala goostaan 3-da nin ee ugu saraysa masuuliyada qaranka Soomaaliyeed iyo qaar kale oo ka agdhow masuuliyiintaan

Madaxda Soomaalida xilalka u qabata oo lacagaha ay dalka ka dhaceen ayey inta badan u hayaan rag qaraabo la ah, xubnahaan ayaa la sheegaa inay inta badan kala joogaan wadamada Afrika iyo Asia sida Kenya, Jabuuti ,Imaaraadka Carabta, Malaysiya, Sacuudida, Koofurta Suudaan iyo meelo kale.

Shaqsiyaadka u haya lacagaha la dhacay xili shacabka Soomaaliyeed ay u dhamaanayeen gaajo ayaa la sheegayaa in dadkii hayey oo qaar ka mid ah oo ay warbixintii UN-ku ifisay inay bilaabeen in aaccount-yada ay caalamka ku lahaayeen ay durbaba bilaabeen inay ka wareejiyaan lacagaha, iyadoo sida la sheegayo ay ka baqayaan in lacagaha ku jira account-yadooda bankiyada caalamka la joojiyo.

Kadib soo bixitaanka warbixinta UN-ka gaar ahaan qeybta u xilsaaran la socodka cunaqabataynta Hubka, la socodka Musuqnaasuqa iyo la socodka xubnaha caqabada ku ah nabada Soomaaliya iyo qorshaha Soomaaliya looga saarayo kumeelgaarnimada ee uu Caalamku ka wado Soomaaliya ayaa la sheegayaa in masuulkii ugu horeeyay ee ka hadla uu noqday Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mr Farmaajo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Raisul wasaare Cabdiweli uu u sheegay guddiga UN-ka in lacag Gaaraysa 3.5 Milyan doolar aysan soo gelin qasnadda Dawladda xiligii xukuumada Farmaafo. Mr Farmaajo ayaa soo dhoweeyay warbixinta balse sheegay in lacagta uu ku eedeyey RW Cabdiweli Gaas inay tahay mid aanan jirin,uuna sheegay inuu arintaas cadeynteeda ka sugayo RW Cabdi weli Gaas.

RW Cabdiweli Gaas oo la filayey inuu warbixinta uga hadlo qodob qodob ayaa la sheegayaa inuu cambaareeyay warbixinta guud kuna sheegay been abuur, taasoo aysan ahayn mid ay shacabka soomaaliyeed ku qanceen.

Sidoo kale madaxda Soomaalida ee ay warbixinta cadeymaha wadata ku eedeysay musuqmaasuqa, maamul xumada iyo cadaalad darada oo kala ah Madaxwyne Shariif iyo Gudoomiyhii Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ilaa iyo hadda aysan kasoo bixin warcad oo ku saabsan waxyaalaha lagu eedeeyey.

Si kastaba ha ahaatee Shariif Xasan Sheekh Aden oo inta badan isku daya in eedeymaha kaga yimaada Soomaalida dhexdeeda uu ku xaliyo inuusan ka jawaabin oo uu ka aamuso ayaa la sheegayaa in la taliyayaashiisa ay kula taliyeen inuu ka aamuso iyaga oo u sheegay inay xaaladu iska qaboobi doonto, balse arintaan ayaa la sheegayaa inay kasoo baxday guddi golaha amaanka uu u magacaabay inuu warbixin sanadle ah kasoo diyaariyo xaalada Soomaaliya, warbixinta guddigaan iyo go’aamada lagu qaataba aysan ahayn arin sahlan oo ku xalismeysa ka aamusid iyo dhaleeceyn guud oo warbixinta lagu sameeyo.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa la sheegayaa in Shariif Xasan kula taliyey in uu warbixinta iyo waxyaalaha ay xanbaarsan tahay uu yareeyo oo uusan siinin muhiimad weyn, xoogana saaro arimaha shirka odoyaasha ka socda magaalada muqdisho.

Waxaa kaloo ay sheegayaan warar laga helayo dad ku dhowdhow Madaxweyne Shariif in Madaxweynaha iyo la taliyayaashiisa ay xiriiro la sameynayaan wadamo kamid ah kuwa gobolka oo warbixintu sheegtay inay jabiyeen cunaqabateynta Hubka Soomaaliya, wadamadaas oo uu ka sugaayo madaxweyne Shariif inay talo kasoo siiyaan jawaabaha ay ka bixin lahaayeen warbixintaan kasoo baxday guddiga UN-ka oo saameyn xoogan ku lahayd sidoo kale wadamada Gobolka iyo qaar kale oo ka mid ah wadamada caalamka.

Isku soo wada duube shacabka Soomaalida ayaa ka warsugaya go’aanka ay ka qaataan masuuliyiinta musuqmaasuqooda iyo maamul xumadooda banaanka lasoo dhigay, iyadoo sida la sheegayo uu mustaqbalka Soomaaliya ku xirnaan doono la xisaabtanka uu caalamku ku sameeyo waxmagaratada jeebabka ka buuxsaday hantida loogu talo galay shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeeyeen colaadaha iyo Abaaraha oo weliba doonaya in lacagaha ay dhaceen ay dib doorasho ugu galaan si ay halkooda uga sii wadaan dhaca shacabka.

Madaxa Guddiga UN-ka ayaa mar la weydiiyey heerka musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu uga jawaabay in hantida gudaha kasoo xaroota iyo tan caalamku ku deeqo Soomaaliya ee aan qasnada dawlada lagu xareyn oo kaliya ay gaarayso 70%, halka 30%-ka la xareeyana inay inta badan kala qaataan saddexda nin ee dalka ugu sareysa xili dalka ay ka jiraan abaaro ay dadku dhimanayaan iyo dagaal lagula jiro kooxaha Alqaacida iyo Alshabaab, dhacdada noocaas ah laguma sheegi karo musuqmaasuq kaliya ee waxaa la dhihi karaa waa dad qalatnimo.

Musuqmaasuq ay ku samaynayeen hantida shacabka Soomaaliyeed masuuliyiintu warbixinta UN-ka banaanka soo dhigtay ayaa la sheegayaa in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku riixday inay miciin bidaan kooxaha xagjiriinta ah, maadama masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ay ka fogaadeen cadaaladda.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden