Mareykanka
oo uga cabsanaya Shabaab iyo burcad badeeda muwaadiniintiisa
Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqday Muwaadiniinteeda
ku sugan
dalalka Caalamka inay ka foojignaadaan Xarakada Al Shabaab
iyo burcad
badeeda Soomaalida.
War ka soo baxay wassaarada arimaha dibada dowladda maraykanka
ayaa
waxaa digniin loogu jeediyay dhamaan muwaadiniin Maraykanka
ka joogta
wadamada caalamka oo ay ku jirto Soomalia kuwaas oo looga
digay in ay
ka foojignaadaan weeraro kaga yimaada waxa maraykanku uu ugu
yeero
argagixisada iyo kooxaha burcad badeeda soomaaliada.
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa warkeeda
ku
sheegay in ay aad uga walaacsan tahay amaan darada iyo qaraxyada
ay
kooxaha argagixida geysanayaan kuwaas oo ka dhacaya caalamka
suurto
galna ay tahay in lala eegto muwaadiniinta Maraykanka ah oo
socdaalada
ku maraya caalamka gaar ahaan wadamo ay ka mid tahay somalia
iyo kenya
oo si gaar ah warbixinta ka soo baxday wasaaradda arimaha
dibadda
dalka maraykanka ay u xustay oo ay sheegtay in Al shababka
somalia iyo
burcad badeedda soomaaliyeed ay abaabulayaan weeraro , qaraxyo
iyo
afduub ka dhan ah muwaadiniinta maraykanka ee ku sugan somalia
iyo
kenya .
Waxaan idinkaga digeynaa inaad badisaan safarada oo
aad aadaan
goobaha dalxiiska iyo goobaha cibaadada, waxaan sidoo kele
idinku
boorinaynaa inaad badisaan fariisiga goobaha dadku ay isugu
yimaadaan
sida maqaayadaha , hoteelada iyo goobaha kale ayaa lagu
yiri warka ka
soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka maraykanka , iyadoo
intaasi la sii raacsiiyay in muwadiniinta wata doomaha dalxiiska
ah
aysan u dhawaanin biyaha somalia .
Saraakiil ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dowladda maraykanka
ayaa sheegay inay soo gaareen fariimo digniino oo kaga yimid
Xarakada
al shabaab iyo kooxaha burcad badeedda soomaalida kuwaas oo
muujinaya
abaabul falal argigixisinimo ah.