Musharaxiinta Madaxtinimo
oo eedeeyay Saxiixayaasha Roadmapka-ka

Ku dhawaad 10 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimo
ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku eedeeyeen Saxiixayaasha Roadmap-ka
in ay afduub ku hayaan Roamapka oo uu ay qeyb ka tahay qabashada
doorashada.
Xili mudo bil ah ay ka dhiman tahay waqtiga dowladda
KMG ah islamarkaana la qorsheynayo dhisida dowlad cusub oo aan
KMG aheyn ayaa qaar ka mid ah musharaxiinta waxa ay muujinayaan
walaac ay ka qabaan Saxiixayaasha Roadmapka gaar ahaan kuwa
dowladda.
Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah 7 Musharax
oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa
waxa uu sheegay in waxii ay ka walaacsanaayeen ay hada muuqato
oo waxa uu sheegay in Saxiixayaasha ay wadaan afduub sida uu
hadalka u dhigay ay ku doonayaan in ay ku kali noqdaan doorashada
iyo Roadmap-ka.
Sidoo kale Musharaxa Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur
Warsame ayaa waxa uu sheegay in musharaxiinta ay maanta soo
jeediyeen in la sameeyo Gudi farsamo oo ay ku jiraan xubno kala
matalaya musharaxiinta iyo sidoo kale Gudiga doorashada dhaqaalaha
dowladana laga bixiyo gacanta Saxiixayaasha hadii kale waxii
kazoo baxa doorashada waxa uu sheegay in aysan xalaal aheyn.
Bisha August oo ay ay ka dhiman tahay wax ka yar
hal bil ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo dhiso dowlad rasmi ah
oo ka hana qaada Soomaaliya waaba hadii lagu guulaysto ansixinta
dastuurka.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com