Farmaajo
oo ku baaqay in la soo doorto hogaan aqoon iyo wax qabad leh
Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu
ku baaqay in lasoo doorto bisha August Hogaan aqoon iyo wax
qabad leh.
Maxed C/laahi Maxed (Farmaajo) oo ah Raiisul
wasaarihii hore ee soomaalida oo isaga oo ku sugan magaalada
Nairobi la hadlay Warlalis ayaa waxaa uu baaq u diray xildhibaanada
cusub ee lagu wado in la soo doorto kuwaasi oo uu ugu baaqay
inay ka fiirsadaan cida ay xilka madaxtinimo u dooranayaan
oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga fiiriyo meelo badan
sida xaga aqoonta iyo wax uu u qabtay Umada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Raiisul wasaarihii Xukuumadii Mar. Farmaajo
ayaa waxa uu sidoo kale Baaq u diray madaxda hada dowlada
hogaamisa waxaana uu sheegay in ay haboon tahay in xiligaan
uu dalka kMG ka baxo taasina ay sameyn karaan madaxda hada
maamusha dalka waxaana uu intaas ku daray Farmaajo hadii uu
xiligaan dalka KMG ka baxo ay madaxda hada dowlada u talisa
ay taariiqda u gali doonto umada soomaaliyeedna ay qadarin
iyo sharaf u heyn doonaan.
Farmaajo ayaa waxa uu ka mid yahay Musharixiinta
u taagan Xilka Madaxtinimo ee dalka iyadoo lagu wado in wadanka
bisha August ay ka dhacdo dooroshooyin lagu dooranaayo dowlad
Cusub
Xaafiiska Wararka Warlalis.com