Nin ka tirsanaa
Shabaab oo lagu dilay degmada Kaaraan iyo dhac ka dhacay degmadaasi
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa ku dilay degmada Kaaraan
nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al Shabaab, iyadoo dhinaca
kale kooxo hubaysan ay dhaceen Xawaalad ku taalla isla degmada
Kaaraan.
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa waxa ay maanta degmada Kaaraan
ee magaalada Muqdisho ay ku toogteen nin lagu eedeeyay inuu
ka tirsanaa Al Shabaab sida ay Warlalis u sheegeen dad goobjoogayaal
ah.
Ciidamada ayaa sheegay in ninkaani uu ka barbar dagaalamay
Al Shabaab qeybna uu ka ahaa dagaaladii ka dhacay Waqooyiga
Muqdisho hadana uu ku dhulmaaleysanayay sida ay hadalka u
dhigeen degmada.
Dhinaca kale kooxo hubaysan ayaa waxa ay dhac u gaysteen Xawaaladda
Hodan Global Xarunteeda degmada Kaaraan kuwaasi oo ka qaatay
Xarunta lacag dhan 2,800 oo dollar sida ay xaqiijiyeen dad
dhacdadaasi goobjoog u ahaa
Majiro ilo madax banana oo xaqiijinaya in ninka la dilay uu
ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, iyadoo dhinaca kale dhawaan
ay ahady markii kooxo hubaysan ay dhac u gaysteen Xawaaladda
Mustaqbal Xarunteeda degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.