Qorshe
uu damacsanaa Fazul C/lla oo la ogaaday
Hogaamiyihii Al qaacidada Bariga Africa Fazul Cabdalla ayaa
ka hor
inta uusan geeriyoon waxaa la sheegay in uu damacsanaa in
qaraxyo uu
ka gaysto gudaha dalka Ingiriiska.
Sida ay maanta qoreen wargeysyo ka soo baxa wadanka Canada
hogaamiyihii Al-Qacidada geeska Africa Fazul C/lla Maxed
oo ay
sanadkii hore toogasho ku dileen ciidamada dawladda ayaa waxaa
la
sheegay inuu waday ka hor inta uusan geeriyoon qorshe weeraro
looga
gaysanayo wadanka Ingiriiska.
Wargeyska Canadian Daily ayaa ku waramaya isagoo soo xiganaya
saraakiisha amaanka wadanka Ingiriiska in Fazul uu maleegayay
in
weeraro ay ka geystaan goobo ay dad Israeliyiin ah ku
leeyihiin
magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.
Warbixinta uu qoray Wargeyskaan waxaa uu ku sheegay in dukumiintiyo
la
helay markii la dilay Fazul kadib ay ku qornaayeen in xubno
Xarakadda
Al-Shabab ka tirsan ay weeraro ka geystaan wadanka Ingiriiska
kuwaasi
oo si gaar ah loola bartilmaamaysano xarumo ay leeyihiin dad
Yahuud ah
oo London ku yaala.
Goobaha ay warbixintu xusayso waxaa ka mid ah Eton College
oo ay arday
Israeliyiin ah wax ka bartaan iyo xarumo ay ka mid yihiin
Stamford
Hill iyo Golders Green oo ay ku nool yihiin tobanaan kun oo
Yahuud ah.
Sidoo kale wargeyska The Toronto Star oo ka soo baxa magaalada
Toronto
waxaa uu qoray in dukumiintiga la helay oo ciwaan looga dhigay
Hawlgalka Caalamigaayaa waxaa lagu sheegay in
uu qorshaha ahaa in
la fuliyo weeraro ay ka mid yihiin dilal, qaraxyo iyo afduub
loo
gaysto dad Israiliyiin ah oo London degen.
Ujedkeenu waxaa uu yahay inaan geysano weeraro khasaaro
nafeed geysta
oo aanku waxyeeleyno dad Yahuuda ah ayay sheegeen wargeysyadu
inay ku
qornaayeen dukumiintiga la qoray ee Fazul C/lla Maxed
oo ahaa
hogaamiyihii Al-Qacidada geeska Africa.
Fazul oo u dhashay jaziiradaha Comoros waxaa lagu eedeyay
inuu ka
dambeeyay weeraro lagu qaaday safaarado Maraykanku ku lahaa
wadamada
Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998 kuwaas oo ay ku naf waayeen
dad ka
badan 224 ruux waxaana la sheegaa inuu ahaa nin aad ugu dhaw
hogaamiyihii Al-Qacida Sh,Osama Bin Laden.
Fazul C/lla sanadkii hore ayay aheyd markii ay ciidamada dawlada
toogasho ku dileen Fazul oo xilligaas si qaldan u soo galay
bar
control.