Masuuliyiin
ka tirsan dowladda oo wali u xiran Ethiopia
Waxaa wali u xiran ciidamada Ethiopia Masuuliyiin ka
tirsan Maamulka
magaalada Baydhaba ee gobolka Bay kuwaasi oo shalay loo taxaabay
xabsi ku yaalla magaalada kadib muran soo kala dhexgalay Maamulka
degmada iyo ciidamada Ethiopia.
Wararkii u dambeeyay ee Warlalis uu ka helayo Baydhaba ayaa
sheegaya
in Masuuliyiinta sare ee Maamulka gobolka Bay ay wadaan
dadaalo lagu
sii deynayo Saraakiishaasi kuwaasi oo sheegay inay ku rajo
weyn yihiin
in la sii daayo.
Masuuliyiinta la xiray ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha
degmada
Baydhaba, Taliyaha saldhiga booliska iyo taliyaha qeybta booliska,
waxaana inoo suura gali weysay in aan helno Saraakiisha xiran
oo aan
xiriir la sameynay.