Shariif
Sheekh Ahmed oo lagu tuhmayo qaraxii maanta ka danbeeyey.
Madaxtooyada oo la sheegay inuu raranayo!! Madaxweynihii la
doortay oo hoteel degan!!! Labada Shariif oo lacago isku heysta.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo qaadan la, guuldarada
kasoo gaartay doorashadii dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho
ayaa la sheegayaa in lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa qaraxii
maanta ay labada nin ee isqarxiyey ay la eegteen hoteelka
Aljazeera oo uu deganaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane Hassan Sheiik Mohamud.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 2 ka mid ilaalada
Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynihii xilka ku waayey Doorashadii
dhowaan dhacday ayaa la sheegayaa inuu weli degan yahay Madaxtooyada
Soomaaliya iyada oo la sheegayo in uu rar culus ka socdo madaxtooyada
Soomaaliya, shariif sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu la baxayo
dhamaan wixii qalab, baabuuro iyo Matooro oo yaalay Madaxtooyada
Soomaaliya.
Shariif Sheekh Ahmed ayaa la sheegayaa inuu ku calaacayo in
meel kasta deyn looga leeyahay kadib markii uu ku bixiyey
campaign-kiisa lacag dhan 20 milyan doolar.
Shariif Hassan Sheekh Aden ayaa la sheegayaa inuu Madaxweynihii
xilka waayey ka qaatay lacag dhan 10 milyan doolar, lacagtaas
oo la sheegay in 5 milyan doolar ka mid ah lagu siiyey Shariif
Xasan magaalada Dubai kadib markii ganacsato ka socota Shariifka
ay uga yeereen Magaalada Dubai ee isutaga imaaraadka Carabta,
lacagtaas oo la sheegay inuu dhamaanteed ku shubtay accounts
uu ku leeyahay Dubai, Shariif Xasan oo markii uu ka soo laabtay
dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaa Dubai la shiray xildhibaano
gaaraya 80 oo taageerayaashia ahaa isaga oo u sheegay inay
codkooda siiyaan Shariif Sheekh Ahmed, Xildhibaanada oo arintaa
aad uga hor yimid ayuu Shariif Xasan ku laabtay Shariif Sheekh
Ahmed isaga oo u sheegay in Xildhibaanadu qanacsanayn loona
baahan yahay in lacag la siiyo Maadaama uu isagu qaatay 5tii
milyan oo hore, madaxweyne Shariif ayaa 5 milyan oo kale u
dhiibay Shariif Hassan lacagtaasoo xildhibaanada 80-ka ah
laga siiyay min 30 kun doolar iyadoo loo balanqaadayna marka
la guuleysto in la siin min 20 kun doolar.
Kadib guuldarada dhacday ayaa la sheegayaa in labada Shariif
ay isku dhegan yihiin iyadoo Shariif Sheekh Ahmed uu doonayo
in Shariif Hassan uu ugu yaraan soo celiyo lacag dhan 5 Milyan
Doolar maadaama aan ilaa hadda la hubin in xildhibaanada taageersanaa
Shariif Hassan ay u codeeyeen madaxweynihii hore Shariif Sheekh
Ahmed.
Shariif Hassan ayaa la sheegayaa inuu Shariif Sheekh Ahmed
u sheegay in arintaani tahay siyaasad lacag la isku celinayana
aysan jirin ay labadoodubana guuldaradu ku wada dhacday. Shariif
Hassan ayaa sidoo kale sheegay in isaga qudhiisa ay uga baxday
lacag ka badan 10 milyan Doolar xiligii lagu jiray gudoonka
Baarlamaanka Soomaaliya, xiligaas oo Shariif Xasan uu la doonayay
gudoonka Baarlamaanka Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr halka
Shariif Sheekh Ahmed uu la doonayey Prof Jawaari.
Isku soo wada duube waxaa shacabka Soomaaliyeed la yaaban
yihiin sababta weli Shariif Sheekh Ahmed usii jooga madaxtooyada
Soomaaliya una raranayo qalabkii yaalay Madaxtooyada Soomaaliya
halka Madaxweyna sida Sharciga ah loogu doortay madaxtinimada
Soomaaliyana uu u degan yahay hoteel ku yaala agagaaraha ayraboorka
Muqdisho.
Amniga Madaxweynaha Cusub ee soomaaliya ayaa qatar la geliyey
kadib marka maanta la isku hor qarxiyey xili uu shir Jaraaid
si wadajir ah ula qabanayay wasiirka arimaha Dibadda Kenya
Musas Watanguula. Caawa ayaa la filayaa in madaxweynaha la
geeyo Madaxtooyada Soomaaliya xili uu weli shariif ku sugan
yahay Madaxtooyada.