Wafdi
ka socday WFP oo la kulmay Maamulka magaalada Guriceel
Maamulka magaalada Guriceel ayaa waxa uu faah faahiyay kulamo
uu la
qaatay Wafdi ka socday Hayadda Cunada aduunka ee WFP
oo maanta gaaray
magaaladaasi.
Wafdigaani oo ka socday Hayadda WFP ee QM ayaa waxa
ay maanta gaareen
magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo kulamo
la qaatay
Masuuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee magaalada Guriceel.
Cismaan Ciise Taardhuleed, Gudoomiyaha degmada Guriceel ayaa
u sheegay
Websetka Warlalis in Masuuliyiinta Hayadda ay
ka wada hadleen
xaaladda nololeed ee shacabka ku dhaqanka degmada iyo sidii
loo
gargaari lahaa
Wafdigaani ayaa wada hadalada kadib dib uga laabtay magaalada
Guriceel,waxaana uu daba socdaa Wafdi heer Caalami ah oo QM
ka tirsan
oo dhawaan gaaray magaalada Dhuusamareeb.