» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Afrax oo loo magacaabay Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliya . Magacaabidaan oo lasheegay inay tahay mid lagu joojinayo Magacaabidii RW Cabdiweli Gaas ee Maareeyaha Dekedda Muqdisho!

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u magacaabay Xildhibaan Afrax Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed, magacaabidaan ayaa timid kadib markii Madaxweyne Shariif uu hor istaagay Maareeyaha dekedda Muqdisho Mudane Cabdullaahi Cali Nuur oo uu Magacaabay Raisul wasaare Cabdiweli Gaas.

Xildhibaan Afrax iyo Maareeyaha dekedda Muqdisho Cabdulaahi Cali Nuur balse laga hor istaagay shaqadiisa ayaa la sheegay inay kasoo wada jeedaan Beesha Waceysle.

Beesha Waceysle ayaa shir ay ku yeelatay maalinimadii Sabtiga lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoteel Saxafi ugu jeedisay Madaxweyne Shariif inuu hawlgeliyo Maareeyaha Dekedda Cabdullaahi Cali Nuur oo si sharci ah uu u magacaabay Raisul wasaare Cabdiweli Gaas, kadib soo jeedinta wasaarada ay quseyso maareynta Dekedaha.

Shirkii Beesha Waceysle ee dhacay maalinimadii doraad ayaa la sheegayaa odoyaashii iyo siyaasiyiintii ka qeyb gashay inay kamid ahaayeen Xildhibaan Afrax, Xildhibaan Daahir Geele, Ismaaciil Macalin Muuse, Cabdulaahi Cal Gadafeey, Sheekh Cumar Cali Rooble iyo Sheekh Muuse Cagaweyne, shirkaasi ayey Beeshu ku dhaliishay hogaaminta Madaxweyne Shariif iyo Sida uu Beesha uga qadiyey awood qeybsiga dalka, iyadoo beeshu magacaawday Guddi ka kooban 11 qofood guddigaas oo loo igmaday inay la kulmaan Madaxweyne Shariif iyo Raisul wasaare Cabdiweli Gaas, si loo xaqiijiyo in Maareeyaha Dekedda Muqdisho la hawl geliyo, maadaama hadda shaqadiisii laga hortaagan yahay uuna si sharci daro ah ku shaqeynayo Maareeyo shaqada looga saaray wareegto ka timid golaha wasiirada oo uu gudoominayey Raisul wasaare Cabdiweli Gaas.

Magacaabida maanta loo magacaabay Xildhibaan Afrax ayaa la sheegayaa inay tahay in madaxweynuhu uu doonayo inuu ku qanciyo Beesha Waceysle oo markii ugu horeysay loo magacaabay Maareynta dekedda Muqdisho, Maareeyaha dekedda Muqdisho ayaa sanidihii lasoo dhaafay waxaa isku bedbedalayey beesha Madaxweynaha Rati Abgaal.

Beesha Waceysle ayaan la ogeyn inay ku qanci doonto Gudoomiyanimada Bankiga horumarinta Soomaaliya oo aan la ogeyn sida uu u shaqeynayo maanta.

Wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay u qorney sidatan.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Shariif ayey muuqataa inuu markasta ka fikiro uuna tixgeliyo qeyladhaanta ka timaada Beesha uu isagu ka dhashay ee Abgaal halka Beelaha kale oo Soomaaliyeed oo tabashadoodu iyo qeyladhaantoodu aysan kala joogsiga lahayn oo weliba reer Muqdisho uusan ebid wax kasoo qaadin tabashooda.

Wareegtadii uu soo saaray Raisulwasaare Cabdiweli Gaas ayaan laga sii deynin Idaacadda iyo TV-ga qaranka sababo aan cadeyn, iyadoo dadka muqdishana ay isla dhexmarayaan in Raadiyo Muqdisho iyo TV-ga qarankaba ay Maamulaan rag qaraabo hoose la ah Madaxweynaha, aysana ka deynin aqbaar aysan ogolaansho uga haysanin Madaxweynaha.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd sida hoos ku qoran:-

Xeer Madaxweynaha J.S LR. 236 taariikh 07/7/2012

Magacaabid guddoomiyaha Bangiga hormarinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha J.S

Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.

Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970

Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.

Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden