Cabdi Raxmaan
Cabdi Shakuur oo tanaasulay sabab ?
Iyadoo doorashada Madaxtinimo ee soomaaliya ay maanta dhaceyso
ayaa waxaa jira Mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilkaasi
oo ka tanaasulay musharaxnimadiisa kaasi oo ka hadlay sababta
uu tanaasulay.
C/raxmaan Cabdi Sharkuur Warsame oo ah ninka tanaasulay ayaa
waxa uu ku sheegay sababta uu uga haray doorashada inay tahay
kadib markii aan arkay buu yiri qaabka doorshada u socoto
iyo iydoo uu ku tilmamay in aysan aheyn mid u dhaceysa siidii
la rabay. isagoona intaa raciyey in wada tashiyo uu samyeeyay
kadib ay usoo baxday inuusan ka mid noqonin musharaxiinta
xilkaasi u tartameysa.
Sidoo kale waxa uu sheegay C/raxmaan Cabdi Shakuur in sababaha
uu u tanaasulay ay ka mid tahay in raga qaar ee u tartamaya
Madaxtinimda dalka oo ay isticmalayaan hantida dowlada taas
oo uu xusay in aan lagu qanci Karin.
Cabdi raxmanaan ayaa waxaa uu baaq ujeediyay Xildhibaanada
Baarlamaanka ee dooranaya Madaxwaynaha Dalka waxaana uu ka
codsaday in ay ka foojignaadaan Cida ay ku Aaminayaan Hugaanka
Dalka ayna ka fiiriyaan Cida ay is leeyihiin Dalka waa ay
ka saari kartaa Marxalada adag Ee uu ku jiro .
Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socdo ay ka bilaabato cod
bixinta Madaxwaynaha dalka hugaamin doona 4 Sano Ee soo socota
iyadoo looga fadhiyo Baarlamaanka Soomalia in ay soo doortaan
Hugaan Daacad ah .