Abwaan
Mustafe oo sooo dhaweeyay isbadalka
Awbaan Mustafe Sheekh Cilmi oo ka hadlay isbadalka ka jira
dalka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay isbadalka balse
waxa uu sheegay in uusan jirin isbadal sidaasi u balaaran
maadaama sida uu sheegay ay wali maqan yihiin midnimadii dhaqaalihii
iyo amniga hase ahaatee waxa uu sheegay in rajada ay wanaagsan
tahay.
Aqoonyahaankaani Soomaaliyeed Awbaan Mustafe Sheekh Cilmi
ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in lasoo
magacaabo Raiisul wasaare wax tar leh oo dalka dhibaatada
ka samata bixin kara, isaga oo sheegay in ay ku jiraan ragii
qudbada ka horjeedinayay barlamanka kuwa badan oo u qalma
Raiisul wasaarinimada Soomaaliya.
21 sano kadib ayaa waxa ay soomaaliya u muuqataa inay yeelaneyso
dowlad rasmi ah maadaama laga baxay Marxaladii KMG ahayd,
iyadoo in ka badan 42 sano ay doorashada Madaxtinimo ka dhacday
magaalada Muqdisho taasi oo si weyn loo soo dhaweeyay.