Ahlu Sunadda Gedo oo qaadacday
Shir ka dhacay Nairobi

Mid ka mid ah dhinacyadii ka qeyb galay Shirkii
Nairobi ee Maamul u sameynta gobolada jubooyinka iyo Gedo oo
qaadacay Shirkaasi.
Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka
Gedo Sheekh Maxed Xuseen ayaa waxa uu sheegay in uu fashil
ku dhamaaday Shir uu sheegay in la doonayay in Maamul aysan
Umada raali ah ka aheyn loogu sameeyo gobolada Jubooyinka iyo
Gedo oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sheekh Maxed ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi
ka Ahlu Sunna ahaan ay ka qeyb galeen hase ahaatee waxa uu sheegay
in ay isaga baxeen markii ay ogaadeen ajandaha Shirka oo uu
tilmaamay in wax dan ah aysan ugu jirin Umada Soomaaliyeed laguna
sameynayo Maamul aysan raali ka aheyn shacabka oo dabada ay
riixayaan dano shisheeye.
Afhayeenka ayaa waxa uu xusay in diidmada waxii
kasoo baxay Shirka Nairobi ee u dhaxeeyay Ahlu Sunna, dowladda,
Raaskambooni iyo Maamulka Azaaniya ay ka mideysan yihiin dad
badan oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta Maamulka dowladda
ee gobolka Gedo oo uu madax u yahay Maxed Cabdi Kaliil
sidaasi awgeedna waxa uu sheegay in wax quseeya uusan ahayn
heshiiska la shaaciyay in la wada gaaray.
Maamulka Azaaniya oo uu madax ka yahay Pro Gaandi
oo leh mucaarad badan ayaa waxa uu dadaal xooggan ugu jiraa
sidii uu ku hano lahaa Maamulida gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com