Ahlu Sunna
oo ka shireysa banaanbax shalay ka dhacay Dhuusamareeb
Culumaaudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Qaar ka mid
ah Odayaasha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka shirayaan
waxa keenay banaanbax cabasho oo shalay ka dhacay magaaladaasi.
Kadib markii boqolaal ruux oo dad ah ay banaanbax ka dhigeen
magaalada Dhuusamareeb ayaa Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca
iyo qaar ka mid ah Odayaasha waxa uu kulan uga soconayaa magaaladaasi
kaasi oo looga hadlayo waxa keenay banaanbaxa.
Kulanka oo Al baabada u xiran ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan
in looga hadlayo cabashada dadka ee ku aadan xirnaasha Isbitaalka
weyn ee magaalada Dhuusamareeb iyo sidii arrintaasi wax looga
qaban lahaa.
Sidoo kale waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka dhaqan galay
Bandow Ahlu Sunna ay ku rogtay magaalada kaasi oo Masuuliyiinta
Maamulka ay sheegeen in ay ku xakameynayeen amaanka magaalada
oo shalay ay ka dhaceen banaanbaxyo waa weyn.